Dr. AXMED CALI DAAHIR oo weerar culus ku qaaday hay’adda socdaalka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa eedeyn u jeediyay hey’adaha socdaalka iyo dambi barista dalka, isagoo shaaca ka qaaday ajaanib kol hore amarkiisa looga tarxiilay dalka, kuwaas oo ka mid ahaa madaxda shirkadda maamusha garoonka Muqdisho ee Favori.

Axmed Cali Daahir ayaa shalay qeyb galay shir ku saabsanaa isku xirka howlaha hey’adaha u xilsaaran maareynta Irdaha laga soo galo dalka ama Bar-xuduudeedyada oo uu guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ka furay magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in wax is daba marsiis badan uu ka dhex jiro hey’adaha ku shaqada leh xuduudaha dalka si gaar ah garoonka Muqdisho, bixinta baasaboorka iyo dambi barista.

Waxa uu sheegay in maalin kasta ay soogaaraan kiisas waa weyn oo ay baabi’iyaan laamaha kala duwan ee hey’adaha socdaalka iyo dambi barista dalka, sida uu aaminsanyahayna bil kasta la-baabi’iyo ugu yaraan kun dambi, taasina ay hoos u dhigi karto kalsoonida lagu qabo xuduudaha laga soo galo dalka.

Intii uu hadlayey ayuu soo hadal qaaday labo nin oo u kala dhashay dalalka Turkiga iyo Ugaanda oo iyagoo ka tiinadaysan uu sheegay in laga tarxiilay garoonka Aadan-Cadde, kuwaas oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sareeyay shirkadda Favori ee maamusha garoonka Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Agaasimihii xiligaas ee hey’adda socdaalka oo ahaa Cabdullahi Gaafow uu uga soo dacwooday labadaas nin oo jabiyay sharyada lagu joogo dalka.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in nin iyagoo ka tiinadeysana uu ka dhoofiyay garoonka Muqdisho, waxuuna faray hey’adda socdaalka in sidaas oo kale bilaa maxkamad ay u tarxiili karto ajaanibta ku xad-gudubta sharciga dalka.

Hadalka Xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir ayaa ku soo aadaya iyadoo muddo todobaad ah hakad la galiyay bixinta baasaboorka Soomaaliya, sidoo kalana horay muddo seddax maalmood ah hakad loo galiyay howlaha hey’adda dambi barista booliiska Soomaaliya ee CID-da.

Marka laga soo tago eedeynta Axmed Cali Daahir waxaa ka jira hey’adahaas musuq maasuq iyo wax is daba marin xarkaha goostay, mana jirto cid wali isku howshay in laga taqaluso.

Hoos ka dhageyso codka Xeer-ilaaliyaha:-

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com