Xiisad ka taagan Kismaayo iyo C/naasir Seeraar iyo Xidig oo qaaday tallaabo cusub

Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisad colaadeed cusub ayaa ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, taasi oo u dhaxeysay saddexda madaxweyne ee isku haysta hoggaanka maamulka Jubaland.

Wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in siyaasiyiinta Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar, oo sheegtay madaxweynenimada Jubaland, ay magaaladaasi ka wadaan hub urursi iyo qorista ciidamo beeleed daacad u ah.

Abaabulka siyaasiyiintan ayaa yimid kadib hadal uu dhawaan warbaahinta ka sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ahaa in aanu u dulqaadan doonin in Kismaayo ay ku sugnaadaan rag sheeganaya madaxweyne-nimada jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xidig iyo Seeraar kulan ay ku yeesheen Kismaayo ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin, in mid kasta uu si gooni ah u sameysto ciidamo difaaca. Seeraar oo markii hore ciidan xooggan lahaa ayaa sii kordhiyey qorista ciidamadiisa.

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah, qodob kale oo sheegaya in haddii midkood ay ciidamada Jubaland ee Axmed Madoobe ka amar qaata ay weerar ku soo qaadaan, ay isu gurmadaan oo ay is caawiyaan.

Xiisaddan cusub ayaa imaneysa ayada oo weli aanay miro-dhalin wada-hadallo u socday ergo matalaysa Axmed Madoobe iyo Seeraar, oo la doonayey in Seeraar lagu qanciyo inuu magaalada isaga baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com