Digniino adag oo laga soo saaray in faragalin lagu sameeyo heshiiska Kenyatta iyi Odinga

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya digniino laga soo saarayo in faragalin lagu sameeyo Heshiis ay dhawaan wada gaaren Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta iyo Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga.

Mr Jemes Orengo oo ah Madaxa Golaha Aqalka Sare u Matala ismaamulka Siaya, ayaa sheegay inay ka digayaan in faragalin lagu sameeyo Heshiiska labada mas’uul.

Mr Jemes Orengo, waxa uu sheegay in Seddexda Hogaamiye ay ka dalbanayaan inay Ixtiraamaan Heshiiska labada dhimac Maadaama Raila uu yahay Hogaanka ugu Sareeya ee Mucaaradka.

Mr Jemes Orengo, waxa uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin in Hogaamiyayaasha kale ay faragaliyaan Heshiiska oo uu sheegay inay kasoo bixikaraan natiijooyin ahmiyad u leh labada dhinac.

Mr Orengo ayaa sheegay in talaabada uu qaatay Raila isaga oo aan la socodsiin Sadexda Hogaamiye kale aysan taa qalad aheyn.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in Raila uu ahaa Shaqsigii u soo banbaxay 30 kii Janaayo oo loo dhaariyay Madaxweynaha Dadka Balse Xiligaas iyagu Garabkiisa Baneyeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com