Diiwaan-gelinta musharixiinta guddoonka BF oo Muqdisho ka bilaabatay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaabatay diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilalka guddoomiye ee Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda.

Sida uu jadwalka ahaa, diiwaan-gelinta musharixiinta ayaa waxay bilaabaneysay maanta waxayna ku egtahay maalinta Jimcaha ee 22-ka April, waxaana Maanta Shahaadada musharaxnimada la guddoon siiyey musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdullaahi Aadan Axmed Black.

Aadan Madoobe ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madoobe ayaa ka mid ah Xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11-aad Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Maxamed Cumar (Caananuug) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27 April 2022, ayada oo ay ku egtahay isdiiwaan galinta musharaxiinta u hanqal taageysa qabashada shirguddoonka Golaha Shacabka 22 Bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib kulan ay buuq ka sameeyeen xildhibaanada taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo.