Muqdisho: Dilal qorsheysan oo lagu billaabay nabadoonada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Nabadoon caan ka ah magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay Agagaarka suuqa weyn ee Degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa in Nabadoonka ay dileen laba ruux oo Bastoolado ku hubeysnaa.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacabi jiray Muuse Ilka-weyne, iyadoo dilka kadib ay maleeshiyada ka baxsadeen goobta.

Dilka kadib ayaa sida caadaduba aheyd waxaa goobta gaaray Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo halkaasi ka qabtay ilaa Seddex ruux oo xiliga dilka ku sugnaa goobta.

Dilkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Isniintii doraad aheyd Suuqa Bakaaaraha gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamed Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com