Maxaad kala socotaa 3 qorshe oo ay Itoobiya ka lahayd Soomaaliya balse aysan wali xaqiijin

Waa warbixinta Xiiso badan oo aan kaga hadleyno danaha dowlada Ethiopia ee ku aadan dalka Soomaliya, maadaama ay si qota dheer ay ugu lug leeyihiin dagaalada iyo qalalaasaha siyasadeed ee ka jira guddaha Soomaliya.

Dowlada Ethiopia ayaa faragalin siyaasadeed kula jirta Soomaliya tan iyo sanadkii 1977-kii xilligaas oo ay dowladii Kacaanka ku jabtay dagaalkii ay lagaleen maamulka Adis Ababa, inkastoo muruq ahaa Soomaalidu ku gacan adkaatay dagaalka hadana Ethiopia ayaa la aaminsan yahay in ay qaabka maskaxda iyo siyaasada dagaalkaas ku adkaatay maaadaama ay beerlaxawsatay midawgii Soviety iyo Cuba oo iskaashanayay kuwaas oo xilligaas kamid ahaa laandheerayaasha Dunida.

Ujeedka ugu wayn ee Ethiopia ayaa ah in ay liqdo Soomalia oo ay ku andacooto in ay qeyb ka ahaayd boqortooyadii Aksum ee qadiimka ahayd, inkastoo sheegashaddaas ay tahay mala awaal aan meelna run ka ahayn, hadana inta badan waxa ay ku rajawayneed in ay kala qaataan dalka Soomaliya oo aan lahayn madax u fakarta iyo maati kacda oo ka dhiidhisa muusanaawga colaadaha iyo musuq maasuqa madaxda maanka yar.

Waxaan idin soo gudbinaynaa Saddex Qorshe oo ay lahayd Ethiopia kaas oo aan wali u suurta galin, islamarkaana ay doonayaan in ay ku guuleeystaan madaama ay qeyb ka tahay qorshayaasha ay u dajisay sidii lagu liqi lahaa dalka dadkiisa damanaayaasha yihiin.

  1. IS DHEX GALKA BULSHOOYINKA

Ethiopia ayaa qorsheeynaysay in ay hesho jiil soomaali Ethiopi iska dhal ah si ay isku dhex galaan labada bulsho oo aan laga garan, madaama midab ahaan ay iska ag dhaw yihiin labada Umad.

sidoo kale in la helo Soomali aaminsan diimaha Kala duwan ee dunida ka jira sida Cristian ka, Budhis taha, Atheist iyo diimaha kale iyo firqo diimeedyada kale ee dunida ka jira, si aan loo helin Soomaali 100% Muslim isku caqiida ah, taas oo dhib ku haysa caalamka galbeedka.

Dowlada Ethiopia ayaa dhowr jeer isku dayday in ay ku abuurto jinsiyado Ethiopian ah gudaha dalka Soomaalia si loo helo wiil Soomaalidu Abti u yihiin dhanka kalese ah Amxaar Adis Ciriqiisu kasoo jeedo, balse kuma guuleeysan xukuumada Hayla Marian in ay sameeyso qorshahan, inkastoo wali uu yahay faanoole fara kama qodna oo qorshuhu uu sii socdo.

  1. HIRGALINTA IN LOOGU HADLO LUUQADA AMXAARIGA

Caadiyan gumeeysi waliba oo dalka qabsada ama ku duula waxaa laga dhexlaa in la barto luuqadiisa iyo dhaqankiisa goonida ah, sidaa darteeda xukuumada Adis Ababa ayaa ku hami wayneeda in ay hirgaliso qorshe laga baranayo luuqada Amxaariga ah si loo gaaro in labada bulsho ay is dhex galaan.

Balse sida muuqata waa ay ku taraaraxday in ay sameeyso qorshahaas qabka wayn oo u fududeeyn lahaa Adis in ay si fudud ku qabsadaan dhulka Soomaalida, hasa yeeshee wali waa ay socotaa qorshahaas waxaana ila wareed lagu kalsoon yahay inoo xaqiijiyeen qeybo kamid ah gobolka Baay ay ku yaalaan Iskuulo lagu barto Af Amxaarig, balse ma hubo waxaan ka sheego waa dambi la ii soo fadhiisinayo Qiyaamaha.

  1. In La Mideeyo Ciidanka Soomaalida Iyo Kan Ethiopia

Tan waa qorshaha ugu adag ee horyaala xukuumada Adis Ababa, marka ay timaado in la mideeyo laba ciidan oo ay dhextaalo colaad soo jireen ah oo soo dhirir sanayd intii ay reer Nabi Adam noolaayeen.

Qorshahan ayaa u sahlaya in Ciidanka Soomaalida lagu hago in ay hormariyaan islamarkaana ka shaqeeyaan qorshaha iyo danaha Xabashida ay ka leedahay Soomaalida, tan ayaa noqon kartaa mid saacida Ethiopia maadaama ay heeysato tabcanayaal Tigrey oo tixgalinaya hadalada iyo danaha xukuumada Ethiopia.

Ciidanka Ethiopia ayaa hadda qarka u saaran in ay yimaadaan magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeeysay Sanadii 2009-kii, waxaana warar hoose ay xaqiijinayaan in qaar kamid ah ciidanka Ethiopia ay ilaalin doonaan Amaanka doorashada Soomaaliya ka dhici doonta bilaha soo aadan.

FG: Mas’uul Kama Ahi Sida Aad U Fahantay, Balse Waxaan Maamule Ka Ahay Aragti Qoraalkeyga.

Waxaa Faaladan Qoray Cabdi Wahaab Axmed Cali

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com