Diyaarad dhaawcayo sida oo timid Xamar + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay tobaneeyo qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii dhowaan ka dhacay degaanka Burdheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo wax looga qaban waayay Isbitaalada Sh/Dhexe.

Diyaarad si gaar ah loo kireeyay ayaa saakay ka baxday magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Shabellaha dhexe ay ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxayna goordhow soo caga dhigatay garoonka magaalada Muqdisho.

Dadka qaba dhaawacyada ee maanta la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in laga soo saaray Isbitaalka magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle, waxaana qaarkood la geeyay Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku hayso dowladda Turkiga.

Dhinaca kale qaar kale oo ka tirsan dadkii ku dhaawacmay Shabeelaha dhexe ayaa gawaari looga soo qaaday degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeellaha Dhexe waxaana la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Waxaa isa soo taraya walaaca ay qayla dhaanta ka soo baxaysa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha ku dagaalamaya Shabeellaha Dhexe kuwaas oo ku baaqaya in colaadda la joojiyo.

Siyaasiin iyo xubno Ganacsato ah ayaa dagaalkaan lagu eedeeyay in ay hurinayaan kuwaas oo la sheegay in dano gaar ah ay ka leeyihiin dagaalka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com