PREMIER LEAGUE oo ku fadeexoobay muslimiintii lagu dilay New Zealand

Premier League, English Football League (EFL) iyo Football Association (FA) ayaa lagu dhaliilay todobaadkan inaysan xushmad iyo maamuus baroor diiq u sameynin dadkii Muslimiinta ahaa 50-qof gaarayeen ee lagu dilay masaajid ku yaalo New Zealand.

Waxaa xusid mudan in gudaha Ingiriiska cayaarihii Rugby (Six Nations League) ka hor inta aan la bilaabin kubada daqiiqad loo aamusay dadkii weerarkii argagaxiso lagu dilay masaajidka New Zealand ku yaalo Jimcadii halka kulamadii kubada cagta soo agaasimeen Premier League, EFL & FA aan marnaba la isku soo hadal qaadin xasuuqii Muslimiinta loo geestay!

Dhamaan kooxaha EPL cayaaraan ayaa soo xirteen maro maddow sidoo kalena daqiiqad u aamuseen dadkii weerarkii Paris ka dhacay November 2015 lagu dilay laakiin cidna isma weydiinin todobaadkan xasuuqii masaajidka New Zealand ku yaalo taasi oo loo fahmay Islaam naceyb iyo labo wajiilenimo ay lasoo baxeen gudiyada horyaalada heerka kowaad, labaad iyo FA Cup-ka qaban qaabiyaan!

Cayaartooyda Watford & Man United oo hal daqiiqad u aamuseen weerarkii Paris Nov 2015

Yunus Lunat oo horey FA-ga Ingiriiska kala shaqeen jiray arimaha sinaanta Jinsiga wuxuu ku tilmaamay todobaadkan waxay ay sameeyeen gudiyada tartamada kubada cagta Ingiriiska maamulaan kuwo labo wajiilayaal ah oo Muslimiinta dhibaatadooda ka dan qaneyn.

Premier League waxaa ceeb ku ah inay bartooda Twitter-ka soo dhigeen tacsi iyo murugo ay la qeebsanayaan dadkii New Zealand masaajidka ku yaalo lagu xasuuqay laakiin aysan gudiga EPL wax amar ah ku bixinin in gudaha garoonka lagu soo xirto maro maddow sidoo kalena daqiiqad loo aamuso dhibanayaashii Muslimiinta ahaa!

Sidoo kale weerarkii magaalada Nice ka dhacay July 2016 ee 86-qof lagu dilay siweyn ayay FA-ga Ingiriiska kaga hadleen weliba garoonka Wembley summada uu caanka ku yahay waxaa loo badalay midibka calanka France sidoo kalena baroor diiqyo waa weyn ayaa gudaha Ingiriiska ka dhaceen halka FA-ga todobaadkan wax tacsi iyo ficil midna kasoo saarin xasuuqa Muslimiinta loogu geestay New Zealand masaajid ku yaalo.

Garoonka Wemlbey taalada uu caanka ku yahay midibka calanka France laga dhigay kadib weerarkii Nice July 2016.

Waa Maxay Sababta Looga Hadli Waayay Xasuuqii Masaajidka Xaafada Chris Church Ka Dhacay Jimcadii?

Culeeska ugu weyn wuxuu ka jiraa in maamulka tartamada kubada cagta Ingiriiska hogaankooda Muslimiin ku yar yihiin ama aysan ku laheyn door go’aan qaadasho waana sababta keentay todobaadkan in la waayay ka hadlida xasuuqii New Zealand ka dhacay ayadoo dalka Ingiriiska Muslimiin badan ku nool yihiin sidoo kalena cayaartooy badan Muslimiin ah joogaan oo xirfadlayaal kubada cagta heer sare ka gaareen ah.

Qareen Yunus Lunat wuxuu yiri “Ceeb haku dhacdo gudiyada EPL, EFL & FA madaama ay lumiyeen todobaadkan fursad weyn oo ay ku muujin kareen sida shacabka reer Ingiriis uga xun yihiin weerarkii ka dhacay New Zealand masaajidka ku yaalo.”

Janaayo 2015 Cayaartooyda QPR ayaa hal daqiiqad u aamuseen xarunta wargeska Charlie Hebdo weerarkii ka dhacay ee 17-qof lagu dilay kana dambeeyay niman Muslimiin ah oo qoryo ku hubeesnaa.

Gunaanad: Todobaadkan waji gabax xoogan ayay la kulmeen gudiyada maamulaan tartamada kubada cagta Ingiriiska laga cayaaro balse waxaa loo fahmi karaa arinka inuu yahay Islaam naceyb iyo labo wajiilenimo ay ku dhaqmeen Premier League, English Football League (EFL) iyo Football Association (FA) madaama horey uga hadleen ficilna ka bixiyeen weeraro kala duwan oo Yurub ka dhacay laakiin weerarkii Muslimiinta lagu bartilmaameed saday wey iska maah siiyeen inay ka hadlaan!!

Caasimada Online
XafiiskaMuqdisho
caasimada@live.com