Sawirro: Xasan Sheekh iyo Qoyskiisa oo magaalada Muqdisho ka duulay (Halkee ayay aaden?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhoofay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Safarka ku wehlinaayay qaar kamid ah Qoyskiisa waxaana Garoonka Aadan Cadde kusii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada.

Mas’uuliyiinta sagootisay ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in Madaxweynihii hore iyo Qoyskiisa ay Garoonka ka qaatay diyaaradda Turkish Airlines, waxa uuna Sargaalkaasi tilmaamay inay ku nasan doonaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Waxa uu Sargaalka sheegay in Madaxweynihii hore iyo Qoyskiisa ay degnaan doonaan magaalada Ankara oo ay ku leeyihiin Guri.

Xasan Sheekh ayaa dalka Turkiga ku qaadan doona nasiin 3 bil ah, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ku dhow dhow.

Xasan Sheekh ayaa sii ahaan doona Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka inta ka dhiman noloshiisa waxa uuna kusoo laaban doonaa magaalada Muqdisho oo uu degan yahay.

Geesta kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah xilka u wareejiyay 16-kii Febraayo ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com