Diyaarad sida tallaalka Covid-19 oo ka degtay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Diyaarad sida talaalka cudurka Coronavirus oo mar labaad soo laba-kacleeyey ayaa shalay ka degtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida ay Saraakiisha garoonku u sheegen Caasimada Online.

Talaalankan oo lagu magacaabo Astrazaneca ayaa waxaa soo saartay jaamacadda Oxford ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu shalay kasoo degay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayada oo si rasmi ah loo daah-furay.

Farsamada tallaalkan oo markii hore ka yimid dalka India ayaa waxa gacanta ku haysay Qaramada Midoobey, taasi oo soo gaarsiisay dalka, waxaana bilaabatay gaarsiinta goboladda qeybta koowaad ee tallaalkaan.

Cudurka Koronaha ayaa faro ba’an ku haya Somaliland, waxaana laga diiwaan gelinayay maalmihii u dambeeyay kiisas hor leh, ayada oo cudurka uu ku dhacay madaxda u sareysa ee xukuumadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxaa laga helay cudurka Covid-19, sidoo kale waxaan dhawaan laga helay cudurkaas Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada oo iyaguna ka tirsan xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Waxaa lagu wadaa in daah-furka tallaalka Coronavirus oo wajigiisa koowaad ay ka faa’iideysan doonaan madaxda dowladda iyo shaqaalaha caafimaadka uu hormuud ka noqdo Muuse Biixi oo ay ku wehlinayaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.