Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee Jubaland Mudane Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa ka hadlay xaalada gobolkaasi, isaga oo shaaca ka qaaday inay kasoo celiyeen diyaarad sidday ciidan iyo saanad milatari oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Al-qaadi ayaa tilmaamay inay heleen xogta diyaaradda, ayna qaadeen tallaabo deg-deg ah oo ay uga soo celiyeen hawada gobolka Gedo, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Doolow.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loogu talagalay diyaaradda in ciidamo iyo hub ay gayso gobolka, ayna ka hortageen sida uu hadalka u dhigay.
“Diyaarad ay ugu talagaleen ciidamo iyo saanad inay ku keenaan gobolka ayay ahayd, waana ka hortegnay, xogteedana waxaan helnay mar hore” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annaga iyo shacabkeenna oo isku duuban go’aan ayaa ka gaarnay in diyaarad ama ciidan iyo qalab la keeni karin gobolka Gedo, waana ka diyaar garownay barnaamijkaas”.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee Jubaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka hortagi doonaan, tallaabana ay ka qaadi doonaan cid kasta oo oo isku dayda inay qalalaase ka abuurto gobolka oo mar kale wajahaya xiisad u dhexeysa dawladda dhexe iyo Jubaland.
“Dadkii isku daya in deegaankan ay qalalaase ka abuuraan ma imaan karaan, mana kasoo dagi karaan, waxaana usoo jeedineynaa inay arrintaas ka waantoobaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ugu magacaaban Dawlad-goboleedka Jubbaland.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo mar kale Dawladda Federaalka ay dhaq-dhaqaaq ciidan iyo mid siyaasadeed ay ka bilowday gobolka Gedo, waxaana u jeedadu tahay in gobolkaasi la gaarsiiyo qorshaha Villa Somalia, gaar ahaan doorashooyinka qof & codka ah.
Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana Jubaland ay dhankeeda abaabul culus ay ka bilowday degmooyin ka tirsan gobolka, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.
Si kastaba, xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemayaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

