Diyaaradihii qaadka keeni jiray Somalia oo lagala noqday Ruqsada (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online)-Midowga qaadoodlayaasha Kenya ayaa cabasho ka muujiyay khasaaro ay maalmahaani kala kulmayeen qaadka, kadib markii uu hoos u dhac ku imaaday qaadka loo soo safrin jiray Somalia.

Hoos u dhaca ay ka cabanayaan qaadoolayaasha Kenya ayaa yimid kadib markii hay’adda socdaalka Hawada Kenya ay ruqsadaha kala noqotay Diyaaradaha qaadka u soo qaadi jiray Somalia.

Qaadoolayaasha Kenya waxa ay sheegen in hadda ruqsada ay haystaan kaliya 4 diyaaradood kuwaa oo aan Somalia usoo qaadin qaad ku filan.

Gudoomiyaha Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in ay khasaare badan galeen dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay kadib markii Diyaaradaha qaadka ka qaadi jiray ee keeni jiray Soomaaliya ay hoos u dhaceen.

Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in Somalia ay hadda aado kaliya 4 diyaaradood maalinkiiba halka ay markii hore ka ahayd 15 diyaaradood.

Waxa uu sheegay in khasaaraha ugu badan uu imaaday kadib markii ruqsada shaqada lagala noqday diyaaradihii badnaa, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu jirin xili uga xun wakhtigaan.

Sidoo kale, Kimathi Munjuri, ayaa ku doodaya in halkii diyaaradba hadda ay Qaadka ku keento Soomaaliya lacag dhan 1.5 Milyan oo Shilinka Kenya ah taas oo uu ku sheegay in ay khasaare weyn ku tahay Ganacsatada.

Dhinaca kale, Hay’adda socdaalka Hawada Kenya ayuu ugu baaqay inay waxbadan ka bedesho sharciyada ad adag oo ay Ruqsada kala noqoneyso diyaaradaha qaadka.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com