Xakuumadii Jubbaland oo Fashilantay iyo Baarlamaankii oo Mooshin ka Keenay

Muqdisho (Caasimadda Online): Xukuumadda Dawlad Goboleedka Jubaland oo dhisan in ku dhaw labo sano ayaa laga rajaynayay in ay xaqiijiso lana timaado wax qabad muuqda  dhinacyada amniga, siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, shaqaalaysiinta iyo tayaynta adeegyada waxbarshada iyo caafimaadka.

Sidaa darteed Barlamaanka Jubaland oo ah matalaha shacabka jubaland ayaa ku jiray labadii bilood ee la Soo dhaafay, islaxisaabtan ku aadan waxqabadka xukuumadda.  Baarlamaanka ayaa u yeeray dhamaan Wasiirada jubaland  kana dhagaystay waxqabadkoodii.

Dhagaysi dheer iyo Su’aalo badan ka dib, xubno ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa gaaray arigti ah in ay xukuumaddu ku fashilantay waxqabadkii waajibka ku ahaa.

Maalinimadii Sabtida ahayd 27 Janaayo 2018 ayaa in ka badan 20 xildhibaan u gudbiyeen  Gudoonka Baarlamaanka Jubaland mooshin kalsooni kala naqosho Golaha xukuumadda Jubaland, iyada oo uu Gudoonku Aqbalay..

Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada  Kismaayo ayaa sheegaya in labo maalmood gudahood la filayo in mooshinkan loo codeeyo.

Dhinaca kale, Madaxwenaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka dalbaday Xildhibaanada kulan deg deg oo ah isfahan iyo heshiisiin oo lagu qabtay guriga martida isla galabtii 27 Janaayo 2018.

Sida ay noo Xaqiijiyeen goobjoogayaal madasha ku sugnaa Intii uu socday kulanka,  ayaa waxaa ka dhashay is afgaran waa u dhaxeeya madaxweynaha iyo Xildhibaanada, iyada oo ay Xildhibaanadu  ku adkaysteen meelmarinta go,aankooda

Si kastaba ha ahaatee  magaalada kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa guuxa mooshinka ay wadaan xubnaha Baarlamaanka Jubaland iyada oo xubnaha ugu badan Baarlamaanka ay ku adkaysanayaan xaqiijinta mooshinka.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com