“Taariikhdu wey soo noq-noqataa, jilidda ayaa kala duwan”

Taariikhyahankii, dhaqaalle-yahankii, & aragtiyahankii reer Jarmal Karl Marx ee cilmiga bulshada ku talax tagay ayaa laga hayay oraah taariikhda gashay, waxa uu yiri ” Taariikhdu labo-goor ayay soo noq-noqoto, marka hore musiibo ahaan, marka dambana masrixiyad (jilitaan) ahaan.”

Mareykanka iyo Muqdisho waxa uu todobaadkan u bilaabnayaa iyagoo wajahayo dhacdooyin soo noq-noqday oo horay u dhacay balse ay dhici karto iney markii hore musiibo u ekaan jireen balse haatan muuqaal masrixiyadeed iyo jilid caadi iska noqday.

Mareykanka: Bishii Oktoobar 2013-kii markii uu madaxweyne Barack Obama ka talinayay waxa ay xukuumadiisu wajahday mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa inta uu xilka hayay, taasoo lagu hakiyay inta badan shaqooyinka ay bixiso dowladda dhexe ee Federaalka. Muddo 16 maalmood ah ayay xisbiga maanta talada haya ee Jamhuurigu ay rifayeen islamarkaana ay #Obama dowladiisa ay ku khasbeen iney darbiyada madaxa ku garaacdo, inkastoo 17 Oktoobar, 16 maalmood kadib ismarinwaagaas la xaliyay. Waxaa jirtay in 16 kaas maalin shaqooyinka la hakiyay ay saameysay malaayiin mareykan ah oo shacab & shaqaalle dowladeedba isugu jiray. Waxaa jirtay in jug weyn oo dhinaca sumcadda ah ay kala hoydeen dhacdadaas labada xisbi ee Dimuqquraadiga iyo Jamhuuriga.

Mar kale, shan sabo kadib, Janaayo 2018 Xisbiga haatan talada haya iyo madaxweyne Donald J. Trump oo ah kii sumcadda xumaa ee dalkan soo mara ayaa wajahaya maalintii 3-aad oo ay joogsatay shaqadii Xukuumadda Mareykanka. Arintan waxaa sababay kadib markii aqalka odayaasha “Senate” ay ku heshiin waayeen miisaaniyadda KMG ah ee Xukuumadda. #Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga waxay ku cataabayaan in Xisbiga Dimuquraadigu ay dalka iyo dadkaba ku hayaan is-hor-istaag iyo carqaladeyn joogta ah oo ay ku hayaan xukuumaddiisa. #Hadalkan shan sano ka hor waxaa dariiqyada Washington ka lahaa #Obama oo isaguna aqalka cad 16 maalmood jahwareer ku joogay. Obama iyo xukuumaddiisu waxa la haystay 16 maalmood, balse #Trump waa la aamusin la’yahay isagoo saddex maalmood kaliya u joogto. Aqalka odayada ayaa rajo ka qaba in berito arinkan lasoo af-jaro maadaama kaliya ay u baahan yihiin 60 cod si loo ansixiyo sharcigan misaaniyadeed ee KMG ah si ay Xukuumadda Washington dib ugu shaqo bilawdo.

Dhinaca kale Muqdisho, Soomaaliya waxa ka dhacay, dhacdo aad ugu ekayd dhacdooyin horay dalka ugu dhici jiray balse aad ay dadku ula yaabeenn, islamarkaana fajac iyo amakaag ku ridday inta badan Soomaalida ku nool gudaha iyo caalamkaba. Arinta waxa la yaabka faraha badan u yeelay ayaa ahayd in ruuxa ku kacay ee sameeyay uu ahaa ruux aan marnaba laga fileynin hadaaqa noocaas ah iyo in dhaqan siyaasadeedkiisu uu gaari karo heerkaas.

Guddoomiye Thabit Ab, marka laga reebo dhalinyaradii Mareykanka laga tarxiilay intii uu ahaa qunsulka safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Mareykanka, inta badan ummadda Soomaaliyeed waxay u arkeen shakhsi dhalinyaro ah, codkara, fir-fircoon, maskax-furan islamarkaana lahan karay mustaqbal siyaasadeed oo iftiimaya, balse dhacdadii ka dhacday Janaayo 20keedii magaalada Muqdisho ee Guddoomiye Thaabit isagoo xasuusan in Dikreeto madaxweyne lagu soo magacaabay, xilkana uu ku weyn karo uu sameeyey ayaa u muuqatay qar-iska-tuurnimo iyo ishaligid siyaasadeed.

Doorashadii gacan ku rimiska ahayd ee ka dhacday aqalka Dowladda Hoose ee Gobolka waxay ahayd mid dad badan ka daadejin karta iney aaminaan qeexitaanka Guddoomiye Thaabit ay ka bixinayaan dhalinyaradii laga tarxiilay USA. Sidoo kale dad badan ayaa la fajacay guddoomiyayaasha iyo gollayaasha deegaanka ee dhacdadaas u bareeray ee weli horjoogayaasha ka ah, ama ka tirsan gollayaasha deegaanka khatarta ayku keeni karto wada-sahqeynta iyo horumarinta dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, arinta aadka u hoosaysay ee la-yaabka ku noqotay Soomaali fara badan ayaa ahayd in Dhalinyaro badan oo heerkooda aqooneed uu aad u wanaagsan yahay Jaamacadana dhigta ama ka baxay ay iyagoo arkaya waxa uu Thabit Ab sameeyay iney sharci darro tahay, islamarkaana hareer marsan tahay sharciyadda dowladda iyo habraaca magaacbista maamulka gobolka Banaadir muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin sharci ku tumashadaas.

Dhalintaas walaalaheen ah kaliya maysan taageerin falkii guracnaa ee ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Muqdisho ee uu Thaabit hor-boodayay, balse waxay sidoo kale niyadda ka jabiyeen malaayiin Soomaaliya oo ay tusiyeen sida ay agtooda uga sahlan tahay in Soomaaliya lagu celiyo jahwareer siyaasadeed iyo is-jiid-jiid aad u fool-xun oo dib dalka ugu celin kara khatar laga badbaadin karo inaan mar kale ku habsaano.

Ugu dambeyntii waxaa xaqiiqo ah in dhacdooyinka taariikhdu ay aad isugu eg yihiin, waxaa niyadeyda kusoo duxaya taariikho kala duwan oo aad mooddo in isku meel lagu soo alifay dhammaantood, balse inta uusan qoraalku dawyo kale ila korin aan kusoo afmeero odhaahdii madaxweyne Theodore Roosevelt ee ahayd “Si aad sida ugu wanaagsan ugu diyaar-garowdo mustaqbalka, waa inaad wax badan ka kororsataa wixii tagay” balse ay Soomaalidu si kale u taqaano oo ah “Tagto Daayoo, Timaaddo Ogow”.

W/Q Walaalkiin Abdiqafar A Shire