Document sir ah: Heshiis lagu dhacayo kheyraadka badda oo ay saxiixeen DF Somalia, Puntland, Jubba & Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay Document caddeeynaya heshiis halis ah, oo uu ra’iisul wasaare Cabdi Weli gar wadeyn ka yahay, kaasi oo ay kala saxiixdeen Puntland, Galmudug, Dowladda Somalia iyo Jubaland, kaas oo lagu qeybsaday dhaqaalahii Badda Somalia?

Heshiiska ay galeen dhinacyadan, ayaa waxa ay dhaqaalaha badda Soomaaliya u kaala heleyaan sidan soo socota.

1 – Dowladda federaalka – 30%
2 – Puntland – 30%
3 – Galmudug – 20%
4 – Jubaland – 20%

Baaritaan muddo socday, Ayaan ku ogaanay in koox qawleysato ah oo ka kooban Dowladda Federaalka, maamulada Puntland, Maamulka Raaskambooni ee Jubba iyo maamulka Galmudug ee Qeybdiid, ay heshiis ku saxiideen Addis-Ababa, ayaga oo isla gartay in ay si wadar ah u dhacaan Kheyraadka Soomaaliya.

Heshiiskan oo ay si wada jir ah u saxiixeen shaqsiyaadka hoos ku qoran ayaa wuxuu halis weyn gelinayaa Mustaqbalka Soomaaliya, iyadoo uu dalka galayo xilli dhammaan shatiyadiisa Shidaalka iyo Kalluumeysiga ah shaqsiyaadkan doonayaan in ay ku iibiyaan suuq madow.

Shaqsiyaadkan heshiiskan halista ah ku lug leh ayaa waxaa ay kala yihiin:

1. C/Casiis Xasan Maxamed, wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka.
2. C/Raxmaan Jaamac Kulmiye, Wasiiru-dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland.
3. Maxamed Aadan Jaamac, Wasiirka Kalluumeysiga, beeraha iyo xoolaha ee Jubba.
4. Maxamed Jaamac, Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda iyo dekedaha ee Garabka ee Galmudug.

Heshiiskan halista badan wata ayaa wuxuu dhigayaa in dhammaan dakhliga ka soo xarooda ay qeybsadaan kooxdan qawleysatada ah ee heshiiska halista ah ku gaaray Addis Ababa.

Si loo meel mariyo heshiiskan halis ah iyo mugdi gelinta mustaqbalka Soomaaliya, kooxdan waxay ku heshiiyeen in ay dhisaan xafiis hawshaasi ay ku fududeeyaan oo ay ugu magacdareen Wakaaladda Kalluumeysiga ee Dowllada Federaalka Soomaaliya, kaas oo ingiriis ahaan noqonaya (Federal Somalia Fishing Authority – FSFA).

Heshiiskan halista badan wata ayaa wuxuu sidoo kale saameynayaa Xadduudda Badda Soomaaliya sida ka muuqada Heshiiskan qeybtiisa ugu koreyso, waxaana mar kale muuqaneysa in ay kooxo qarsoon oo xiriir la leh dowladdo cadow ku ah Soomaaliya ay doonayaan in ay halis geliyaan qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Heshiiskan halista ah ayaa waxaa si wada jir ah uga dambeeya Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland C/Weli Gaas, Xubno Damjadiid ah iyo Axmed Madoobe oo ah Madaxa xarakada Raskambooni ee Maamulka Jubba iyo Xubno ka tirsan Maamulka Qeybdiid.

Sheekada yaabka leh ayaa ah in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uusanba ka war-hayn waxa dalka ka socda, waxaana howshan wada ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Arrinta kale ee yaabka leh ayaa ah in dowladda Somalia, oo dalka oo idil mas’uul ka ah ay ogolaatay inay maamullo yar si isku mid ah wax ula qeybsato.

Waxaa sidoo kale tani ay ka dhigeysaa in dhammaan dadka kale ee Soomaalida ee koonfurta dega aysan waxba ku lahayn kheyraadkii baddooda, oo koox burcad ah ay dhaceyso.

Halkan hoose ka arag heshiiska

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com