Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweyn diirran u sameeyey duqa cusub ee la doortay ee magaalada New York City, Zohran Mamdani, kulan ka dhacay Aqalka Cad Jimcihii, isagoo ammaanay guusha doorashada Mamdani.
Waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah ee dhexmara labadan mas’uul oo siyaasad ahaan aad u kala aragti duwan, kuwaas oo horey isugu khilaafay arrimo badan oo ay ka mid yihiin socdaalka iyo dhaqaalaha.
Mamdani, oo ah hanti-wadaag dimoqraadi ah (democratic socialist) iyo xildhibaan gobol oo aan horay loo aqoon oo ku guuleystay tartanka duqa magaalada New York horraantii bishan, ayaa codsaday kulankan si uu ugala hadlo Trump arrimaha nolosha qaaliga ah iyo badbaadada dadweynaha.
Ka dib bilo ay warbaahinta isu marinayeen hadallo xanaf leh iyo cay, duqa la doortay iyo madaxweynaha ayaa u muuqday inay meel iska dhigeen khilaafkooda, iyagoo si degdeg ah isku afgartay xilli ay ku sugnaayeen Xafiiska Oval-ka (Oval Office), goob uu Trump mararka qaar u isticmaalo inuu ku bahdilo madaxda dowladaha.
“Waxaan ku heshiinnay wax ka badan intii aan filayay,” ayuu yiri Trump ka dib markii uu suxufiyiinta ku casuumay Xafiiska Oval-ka kulankooda gaarka ah kaddib. “Hal shay ayaan wadaagnaa: waxaan rabnaa in magaaladeenna aan jecel nahay ay si wanaagsan u shaqeyso.”
Isagoo fadhiya miiskiisa, Trump ayaa u dhoolla-caddeeyey Mamdani, oo taagnaa dhanka midig ee madaxweynaha, wuxuuna ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray doorashada duqa magaalada horraantii bishan: “Runtii tartan cajiib ah ayuu la galay dad aad u adag, dad aad u caqli badan.”
“Wuxuu ahaa kulan miro-dhal ah oo diiradda lagu saaray meel aan wada jecel nahay oo ah New York City, iyo baahida loo qabo in dadka reer New York loo sameeyo nolol jaban,” ayuu yiri Mamdani.
Dhanka kale, Trump ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu meel iska dhigo kala aragti-duwanaanshaha xisbiga. “Mar walba oo uu si wanaagsan u shaqeeyo, waa mar walba oo aan sii farxo,” ayuu yiri Trump.
Xilli Mamdani uu ku horreeyay ra’yi-ururinta isagoo u socday guusha, Trump, oo ah Jamhuuri, ayaa soo saaray hanjabaado uu ku doonayo inuu ku jaro dhaqaalaha federaalka ee magaalada ugu weyn Mareykanka. Duqa la doortay ayaa si joogto ah u dhaliilay siyaasado kala duwan oo Trump wato, oo ay ka mid yihiin qorshayaasha lagu xoojinayo fulinta sharciga socdaalka ee New York City, halkaas oo afar ka mid ah tobankii qofba ay yihiin dad ku dhashay waddamo shisheeye.
Madaxweynaha oo 79 jir ah, horayna u degganaan jiray New York, ayaa ku tilmaamay Mamdani, oo 34 jir ah, “xag-jir waalan oo bidix ah,” shuuci iyo “mid neceb Yuhuudda,” isagoo aan soo bandhigin wax caddayn ah oo loo hayo eedeymahaas.
Mamdani wuxuu aaminsan yahay hanti-wadaagga dimoqraadiga ah ee qaabka waddamada Nordic-ga, mana ahan shuuci. In kasta oo uu si weyn u dhaliilo Israel, haddana waxaa taageeray siyaasiyiin Yuhuud ah oo caan ah, wuxuu maamulkiisa cusub ku soo darayaa shaqaale Yuhuud ah, gaar ahaan Taliyaha Booliiska New York, Jessica Tisch, wuxuuna marar badan cambaareeyey nacaybka Yuhuudda.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa qaboojiyey hadalkiisa Jimcihii wax yar ka hor inta uusan imaan duqa la doortay, isagoo sheegay inuu filayo in kulanku noqdo mid “ilbaxnimo ku dheehan tahay” wuxuuna ku ammaanay Mamdani “tartamaa guulaystay.”
“Waxaan u weerarayay si yara adag,” ayuu Trump u sheegay barnaamijka “The Brian Kilmeade Show” ee Fox News. “Waxaan u maleynayaa inaan si fiican isku fahmi doonno. Eeg, waxaan raadineynaa isku shey: waxaan rabnaa inaan New York ka dhigno mid xooggan.”
Goor sii horreysay, Mamdani ayaa barta bulshada soo dhigay sawir ‘selfie’ ah oo uu ku qoslayo, kaas oo uu isaga qaaday kursiga diyaarad ku sii jeedda Washington.
Kulamada Xafiiska Oval-ka ee Trump ayaa ahaa kuwo aan la saadaalin karin, iyadoo ay ku jireen kulamo ixtiraam ku dheehan yahay oo lala yeeshay mucaaradka iyo kuwo gaadmo ah oo lagu sameeyey martida, sida Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy iyo Cyril Ramaphosa oo ka socday Koonfur Afrika.
Mamdani, oo xilka loo dhaarin doono 1-da Janaayo, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maalin ka hor inta uusan aadin Washington ku sheegay inuu “khilaaf badan kala dhaxeeyo madaxweynaha.”
“Waxaan damacsanahay inaan u caddeeyo Madaxweyne Trump inaan kala shaqeyn doono ajande kasta oo faa’iido u leh reer New York,” ayuu wariyeyaasha ugu sheegay bannaanka Xarunta Dowladda Hoose ee New York. “Haddii ajande uu dhib u geysanayo reer New York, waxaan sidoo kale noqon doonaa qofka ugu horreeya ee sheega.”
Wicitaankii Mamdani ee Trump
Mamdani oo ku dhashay Uganda ayaa noqon doona duqii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo kii ugu horreeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Aasiya ee qabta xilka magaalada u uku yaallo suuqa saamiyada Wall Street.
Ololihiisa firfircoon ee baraha bulshada xoogga saarayay ayaa dhaliyay dood ku saabsan waddada ugu habboon ee xisbiga Dimoqraadiga. Iyagoo aan awood ku lahayn Washington oo fikir ahaan kala qaybsan, Dimoqraadiyiinta waxaa inta badan mideeya mucaaradnimada ay u hayaan Trump, kaas oo dastuurku ka mamnuucayo inuu mar kale u tartamo xilka sanadka 2028.
Mamdani wuxuu wacad ku maray inuu diiradda saari doono arrimaha nolosha jaban, oo ay ku jiraan qiimaha guryaha, raashinka, daryeelka carruurta iyo basaska magaalada ay ku nool yihiin 8.5 milyan oo qof. Dadka reer New York ayaa bixiya kiro ah ku dhowaad laba jibaar celceliska qaranka.
Sicir-bararka ayaa ahaa arrin weyn oo haysata dadka Mareykanka, waana arrin ay Trump ku siinayaan qiimeyn hoose. Kaliya 26% dadka Mareykanka ayaa leh Trump wuxuu si wanaagsan u maareynayaa nolosha qaaliga ah, sida lagu sheegay ra’yi-ururin ay sameeyeen Reuters/Ipsos toddobaadkan.
Dowladda federaalka Mareykanka ayaa siinaysa New York City $7.4 bilyan sannad-maaliyadeedka 2026, ama qiyaastii 6.4% wadarta kharashka magaalada, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Hanti-dhowrka Gobolka New York. Ma cadda awoodda sharci ee uu Trump sheegan karo inuu ku xanibo dhaqaale kasta oo uu Kongareesku amray.

