24.7 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

BF oo go’aan ka gaaray xisaab xirka miisaaniyadii 2024

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad ee wadajirka ah, kaas oo uu guddoomiyey Sheekh Aadan Madoobe oo ay kulanka wehlinayeen ku xigeenada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta xisaab-xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024-ka oo ay soo gubbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa ugu horreyn mudanayaasha labada aqal la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad ee xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024 oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay si wadajir ah uga shaqeynayeen guddiyadda maaliyadda ee labada Aqal.

Sidoo kale, intaasi ka dib Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay xisaabxirka sanad miisaaniyadeedkii 2024, waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena hal xildhibaan ayaa ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Wasiirka Maaliyadda SoomaaliyaMudane Biixi Imaan Cige oo kulanka ku sugnaa ayaa mahad-celin golaha kadib waxa uu dhammaan bulshada la wadaagay in sadexdii sano ee la soo dhaafay ay zukumaddu ku guulaystay in la sameeyo xisaab-xirka guud ee dowaldda.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in mar walba ay diyaar u yihiin daah-furnaan iyo  inay Baarlamaanka Federaalka kala shaqeeyaan gudashada waajibaadkooda korjoogteyn iyo la xisaabtanka wasaaradda maaliyadda howlaha iyo waajibaadka loo xil saaray

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan u yaalla howlo muhiim ah oo la rabo inay meel mariyaan kalfadhigaan todobaad, waxaana sidoo kale uu ka shaqeyn doonaa dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News