29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Machadka Caafimaadka Qaranka oo soo saaray digniin ku aaddan cudurka Marburg

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Caafimaadka Qaran ee Soomaaliya (NIH) ayaa soo saaray digniin iyo wacyigelin ku saabsan cudurka Marburg, kaddib markii laga soo sheegay kiisaska cudurkan oo laga xaqiijiyay deegaanka Jinka ee gobolka Koonfureed ee Itoobiya.

War-saxaafadeed uu Machadku soo saaray ayaa lagu sheegay in NIH uu si dhow ula socday xaaladda cudurka Marburg (MVD), kaddib markii Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya iyo hay’adda Africa CDC ay xaqiijiyeen in fayraskan halista ah laga helay dad ku sugan Jinka. Inkastoo aan weli lagu diiwaangelin wax kiis ah gudaha Soomaaliya, hay’addu waxay sheegtay in loo baahday in bulshada iyo hay’adaha caafimaad la wargeliyo si loo kordhiyo feejignaanta.

Halista Soomaaliya iyo sababaha loo feejigan yahay

NIH ayaa tilmaamay in cudurkan uu khatar ku yahay Soomaaliya, inkastoo aan wali laga helin, maadaama ay jiraan arrimo fududeyn kara soo-galidda fayraska, oo ay ka mid yihiin:

  • Socdaalka badan iyo isdhexgalka xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya
  • Ogaanshaha cudurrada faafa oo mararka qaarkood daaha ku yimaada
  • Awoodda adeegyada caafimaadka xuduudaha Bariga oo aan buuxin heerka looga baahan yahay

Warsaxaafadeedka ayaa xusay in cudurka Marburg uu yahay cudur fayras ah oo aad u halis badan, la mid ah Ebola, aan weli loo helin tallaal ama daawo gaar ah. Waxaa lagu tilmaamay cudur keena xaalad degdeg ah oo caafimaad oo u baahan in si dhaqso leh loo garto loona karantiilo.

Waa maxay cudurka Marburg?

Cudurka Marburg waa xanuun fayras ah oo sababa qandho daran iyo dhiigbax gudaha iyo dibadda jirka ah. Calaamadaha ugu badan ee lagu garto waxaa ka mid ah:

  • Qandho sare iyo madax-xanuun daran
  • Lallabbo iyo matag soo noqnoqda
  • Indho ilmaynaya, dhiigbax ama xaalad dhiig-yaraan ah
  • Tabar-darro, murqo xanuun iyo xaalad degdeg ah oo caafimaad

NIH ayaa ku boorriyay bulshada in ay si degdeg ah xarun caafimaad ula xiriiraan haddii ay isku arkaan calaamadoo isku dhafan oo noocan ah, gaar ahaan haddii ay dhawaan ka soo laabteen Itoobiya ama ay la macaamilaan qof ka yimid deegaannada laga soo sheegay cudurka.

Sida uu cudurku ku fido

War-saxaafadeedka Machadka Caafimaadka Qaran ayaa sheegay in cudurka Marburg uu ku fido marka qof caafimaad qaba uu taabto dareerayaasha jirka qof qaba cudurka, sida dhiigga, matagga, kaadida, saxarada, dhididka ama candhuufta. Waxa kale oo uu ku gudbaa taabashada dharka, gogosha ama agabka uu bukaanku isticmaalayay.

Fayrasku wuxuu sidoo kale ka iman karaa xayawaanka duurjoogta ah, sida daanyeerrada iyo fiidmeerta, taas oo ka dhigaysa in dadka ku shaqada leh ugaarsiga, cunnada hilibka duurjoogta iyo kaymaha ay khatar gaar ah ku jiraan. Shaqaalaha caafimaadka ayaa ka mid ah dadka ugu nugul faafitaanka cudurkan haddii aysan isticmaalin qalabka ilaalinta shaqaalaha caafimaadka (PPE).

Tallabooyinka ay qaadeen hay’adaha caafimaadka

Machadka Caafimaadka Qaran ayaa sheegay in uu qaaday tallaabooyin taxaddar ah oo ay ka mid yihiin:

  • La socoshada xogta iyo warbixin kasta oo ku saabsan cudurka ee ka imanaysa Itoobiya iyo hay’adaha caalamiga ah
  • Diyaarinta qorshe diyaar-garow oo loogu talagalay in si dhaqso leh loogu jawaabo haddii kiis laga xaqiijiyo gudaha dalka
  • Wacyigelinta bulshada iyo xirfadlayaasha caafimaadka si loo kordhiyo aqoonta ku saabsan calaamadaha, faafitaanka iyo ka hortagga cudurka

Warsaxaafadeedka NIH ayaa intaas ku daray in awoodda wacyigelinta bulshada ay wali hooseyso, xuduudahana ay weli furan yihiin, taasoo looga baahan yahay in lagu beddelo feejignaan iyo in dadku qaataan fariimaha caafimaad ee la gudbinayo.

Talooyinka ka hortagga ee lagu wacyigelinayo bulshada

NIH ayaa bulshada iyo shaqaalaha caafimaadka u soo jeediyay dhowr talo oo muhiim u ah ka hortagga cudurka Marburg, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Ka fogaanshaha xiriirka tooska ah: In laga fogaado taabashada qof looga shakisan yahay cudurka ama qof leh qandho daran iyo matag aan caadi ahayn, gaar ahaan haddii uu ka yimid aag halis ah.
  2. Nadaafadda gacmaha: In gacmaha si joogto ah loogu mayro biyo iyo saabuun, ama loo isticmaalo jeermis-dile (sanitizer), gaar ahaan ka hor cuntada iyo ka dib marka la taabto dhiig ama dareere kale.
  3. Qalabka badbaadada: In shaqaalaha caafimaadka iyo dadka daryeela bukaannada ay xirtaan qalabka ilaalinta oo buuxa, sida galoofyada, maaskarrada, funaanadaha iyo indho-shareerrada, si loo yareeyo halista faafitaanka.
  4. Ka fogaanshaha xayawaanka duurjoogta: In laga fogaado la macaamilka daanyeerrada, fiidmeerta iyo shimbiraha qaarkood, isla markaana aan la cunin hilib xoolo aan si fiican loo karin ama aan la hubin badbaadadiisa.

Baaq loo jeediyay shacabka

Ugu dambayn, Machadka Caafimaadka Qaran ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar, isla markaana ay dhegaystaan talooyinka caafimaad ee ka imanaya wasaaradda iyo hay’adaha la shaqeeya. Hay’addu waxay sheegtay in iskaashi, wacyigelin joogto ah iyo raacitaanka tilmaamaha khubarada caafimaadku ay yihiin furaha lagu yareyn karo khatarta in cudurka Marburg uu soo gaaro gudaha Soomaaliya.

Dadka u baahan xog dheeraad ah ayaa lagu wargeliyay in ay la xiriiri karaan Xarunta Qaran ee Hawlgallada Degdegga ah ee Caafimaadka (PHEOC), booqdaan bogga rasmiga ah ee NIH (www.nih.gov.so), ama wacaan lambarka degdegga ah ee 995.

- Advertisement -

Read more

Local News