Dooda ballaarinta xuduuda Xamar oo kasii dartay iyo siyaasiyiin ka hadlay..!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu inay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu dhaliyey dood weyn oo ku aadan in Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ay kasoo horjesteen in Balcad iyo Afgooye lagu daro Muqdisho maadaama ay deegaan ahaan xisaabsan yihiin Maamuladaas.

Markii ugu horeysay waxaa arrintaas ka hadlay Maamulka Hirshabelle oo si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Eng. Yariisow.

Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa marka ugu horeysa ka hadlay kulan dhexmaray Madax ugu sareeysa Hirshabeelle iyo guddiga Aqalka Sare ee kasoo tala bixinta khilaafaadka maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in hadal kasoo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir uu dhaawacayo Dastuurka dowlada Goboleedka Hirshabeell,kaasi oo ah in Degmada balcad lagu daro Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa arrntaan kasoo hadlay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle, wuxuuna sheegay in Duqa muqdisho laga doonayo in Muqdisho aysan ka rabin ballaarin balse ay u baahan tahay Muqdisho in maqaamkeeda la raadiyo.

Dhanka kale waxaa arrintaas ka hadlay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Aadan Fargeeti ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arrintaan uga hadlayo, wuxuu sheegay in Xuduudaha ay tahay arrin Dastuuri ah oo go’aankeeda u taalo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com