Beesha WARSANGELI oo u digtay wasiir Jamaal iyo doorashadii oo baaqatay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Warsangali gaar ahaan Dubays ayaa digniin culus usoo jeedisay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka calaamiga ah ee Soomaaliya, Amb Jamaal Maxamed Xasan kaasoo lagu eedeeyey inuu iibsaday Kursiga Xildhibaano oo ay Beeshaas laheyd uuna iska casilay Ex-xildhibaan Daahir Cali Faarax.

Beesha Warsangali Daraood oo waraaq u kala dirtay Xafiisyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soommliya, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Gudigga madaxa banaan ee Doorashooyinka ayaa ku wargelisay inuu Wasiirka Jamaal wado qorshe dagaal looga dhex hurinayo Beesha Dhexdeeda.

Beesha ayaa si cad u sheegtay inay cabasho ka tahay Wasiir Jamaal oo ay ku eedeysay inuu musuq maasuq ku hayo Booska Xildhibaano ee hadda u banaan Beeshaas.

Sidoo kale Dowladda ayey ku eedeysay inay faragelin toos ah ku heyso buuxinta Booskaas banaan oo uu hadda socdo qaban qaabada doorasho loogu tartamayo ciddii buuxin laheyd Kursigaas banaan.

Digniintaan kasoo baxday Beesha Warsangeli ayaa kusoo aadeyso xilli ay Maanta baaqatay Doorashadii la filayey in loogu tartamo booskaas.

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay inuu jiro qorshaha uu wasiir Jamaal kursiga ku imaanayo isaga oo intaasi raaciyey inay sidoo kale jiraan wasiirro kale oo raadinaya inay kuraas ka iibsadaan xildhibaannada golaha shacabka.

Xildhibaankii is-casilay ee Daahir Cali Faarax  waxaa uu noqday qunsul ka noqday dalka Djibouti.

Xiriir aan la sameynay uddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka nooma suuro-gelin inaan helno wax jawaab ah, guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa waxaa ay ku jirtaa imtixaan adag, oo haddii ay ka gudbi weyso imtixaanka kuraastan la buuxiyo, waxaa adag inay dadka Soomaaliyeed iyo axsaabta dalka aaminaan doorashada 2020-ka.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Waraaqda kasoo baxday Beesha Warsangeli

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com