Khilaaf ka taagan qorshaha lagu ballaarinayo Muqdisho iyo maamul ka hor-yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa haddal uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) shalay ka sheegay shirka ballaarinta Soohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa hadalkiisa ku sheegay in baahi saa’id ah loo qabo in caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan dadkii hore

Waxa uu Guddoomiyuhu shirkaasi ka sheegay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Daa’uud Xaaji Cirro, oo ah Afhayeenka Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa intaa kadib sheegay in arrintan ay ka hor imaaneyso dastuurka Hirshabeelle, isla markaana cabashadooda arrintan la xiriirta ay u gudbiyeen Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Arrinku saabsan ballaarinta Caasimadda Muqdisho iyo in lagu daro degmada Balcad waxay ka hor imaaneysaa Dastuurka Hirshabeelle, waxaana cabashadaas Madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle u gudbiyeen Guddiga Aqalka Sare”

Afhayeenku waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir uu dhaawacayo rajooyinka maamulka iyo qodobada Dastuurka maamulka kaasi oo ah in Degmada balcad lagu daro Caasimada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Hirshabelle ay dhibaato ku tahay in degmada balcad lagu daro Caasimadda muqdisho,isagoona tilmaamay in guddiga aqalka sare ee kasoo tala bixinta khilaafadka maamulkaasi ay u gudbiyeen arrinkaan.

Si kastaba ha ahaatee, qeyla dhaanta Hirshabeelle ayaa imaaneysa xili sanadkii 2014 uu jiray muran xuduudeed oo u dhexeeyay maamulka Koofur Galbeed iyo Caasimadda Muqdisho, kaddib markii maamulka Gobolka Banaadir uu burburiyay tabeelo laga taagay agagaarka deegaanka Jaziira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com