Doorashada 2016 oo laga cabsi qabo in lala wareego, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay in doorashada bilooyin kadib la filayo iney ka dhacdo dalka Soomaaliya u dhacdo sidii la filayay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Maxamed Cumar Dalxa iyo C/Samad Macalin Maxamuud oo ka qeyb galayay barnaamij ka baxay TV Somali Cable ayaa waxay walaac xoogan kaga muujiyeen doorashada sanadkaan iyo dad si gaar ah ula wareegay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si cad u sheegay in beel lixaad oo Soomaaliya ka jirta oo uu kala jeeda Beesha Caalamka iney si dadban ula wareegay maamulka doorashada sanadkaan dhacaysa, isagoo sheegay in marnaba aysan soo baxeynin waxyaabaha la filayo.

Wuxuu xildhibaanka sheegay in beesha caalamka ay dhibaato xoogan ku heysto shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu ka hagaagi karin dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga dadka siyaasada la cabsado oo runta la qabado maahi, waxaan kuu sheegayaa beesha caalamka ayaa doorashada la wareegtay, waxaana muuqata in marnaba aysan soo bixi doonin sida wax laga rajeynayo, doorashada oo dhanna beesha lixaad dad aan u bixinay ayaa la wareegay”ayuu yiri Daahir Jeesow.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan C.Samad Macalin ayaa sheegay iney fikradaasi ku raacsan yihiin Daahir, oo dalka Soomaaliya uu ka hagaagi la yahay beesha caalamka oo sida ay doonaan ka yeelanaya siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com