“Doorashada Garbahaarey waa ay dhaceysaa, mana la wareejin karo,” waxaa yiri…

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ku gacan sayray go’aankii kasoo Guddiga doorashada heer federaal ee FIET ee lagu sheegay in doorashadii Garbahaarey loo wareejiyey Ceelwaaq, taasi oo ay ku qeexeen sharci darro.

Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle oo BBC-da la hadla ayaa sheegay inay ku taagan yihiin Heshiiskii 17 September. 

“Garbahaarey Heshiiskii 17 September ayay ka mid tahay, xildhibaannada saakay la dhaarinayay waxa lagu dhaariyay waa 17 September, kuwa dhiman waxa lagu soo dooranayaana waa 17 September, cid hal qodob ka beddeli karta ma jirto, shalayna waan taagneyn haddana waan taagannahay,” ayuu yiri.

Axmed Buulle ayaa ku eedeeyay Guddiga FEIT inaysan habeysneyn oo ay dhowr garab noqotay. “Waxaan ku xaqiijinayaa in haddii warqaddaas ay xaqiiq noqoto aan Garbahaarrey ku dooran doonno xildhibaannadii dhinnaa oo ay doorashada Garbahaarrey ka dhacayso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin waayin in doorashada ay Garbahaarrey ka dhacdo, isla markaana ay ku jirtay qodobbada heshiiskii 17 September, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin arrintaas ana doorashada qabsan doonaan.

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma lahaa” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle.

Si kastaba, Jubaland ayaa u muuqata inaysan dheg jalaq u siineyn maamulka Gedo ee taabacsan Farmaajo, waxayna ku dhaqaaqday qabashada doorashada Ceelwaaq. 

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Jubaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Ceelwaaq saacado kadib markii la shaaciyey in kuraastii taaallay Garbahaarey loo wareejiyey magaaladaas.

“Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka ayaa la qabanayaa inta u dhaxeysa 18-ka illaa 27-ka April, ayada oo kursiga ugu soo horreeya oo ah HOP079 ay doorashadiisa dhaceyso 18-ka bisha oo ku beegan Isniinta.