Jadwalka doorashada 16-ka kursi ee CEELWAAQ oo shaaca laga qaaday (Aqriso)

Kismaayo(Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Jubaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Ceelwaaq saacado kadib markii la shaaciyey in kuraastii taaallay Garbahaarey loo wareejiyey magaaladaas.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka ayaa la qabanayaa inta u dhaxeysa 18-ka illaa 27-ka April, ayada oo kursiga ugu soo horreeya oo ah HOP079 ay doorashadiisa dhaceyso 18-ka bisha oo ku beegan Isniinta.

Qabashada doorashada kuraasta Ceelwaaq ayaa ka dhigan in dhammaan doorashada golaha shacabka la dhameyn doono 27-ka April, maadaama kuraastaas ay yihiin kuwa kaliya ee harsan, ayada oo la filayo in HirShabeelle ay doorashadeeda dhameyso xilligaas kahor.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa Khamiistii sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaareey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay caqabado amn ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ay ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey.

Hoos ka eeg jadwalka