Doorashada Jubaland oo qarka u saaran fashil & hal musharax kaliya oo hortaaggan A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha maamulka Jubba oo loo qoondeeyay inay dhacdo 15-ka bisha, isla markaana codsi qabashada musharaxiinta ay ku eg tahay 12-ka bishan oo ah Isniinta oo socot ayaa qarka u saaran in isbedel lagu sameeyo kadib markii culeys weyni uga yimid maamulka Axmed Madoobe dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin wakiilada Beesha caalamka iyo Siyaasiyiinta gudaha.

Codsigii hore ee Axmed Madoobe oo ahaa in waqtiga la kordhiyo oo a diideen Baarlamaanka Jubba oo laf ahaantiisaba dowladda Federaalka ay sharci darro ka dhigtay ayaa hadda u muuqda inuu ku qasban yahay inuu waqti ku daro xilliga doorashada oo dad badan aaminsan yihiin markastoo la qabto inuu ku soo bixi doono Axmed Madoobe oo xilkaasi ah musharaxa ugu awoodda badan.

Ilaa iyo hadda hal musharax  caddeeyay inuu u taagan yahay doorashada madaxweynaha Jubba marka laga reebo Axmed Madoobe, waana wasiirkii hore ee warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xasan, oo magaalada Kismaayo uga dhawaaqay rabitaankiisa xilka ugu sareeya maamulka Jubba, wuxuuna shirar kala duwan magaalada kula yeeshay odayaal iyo qaar ka mida xildhibaanada.

Sheekh Axmed Shakuul oo hore ula tartamay Axmed Madoobe doorasho mugdi badan ku jiray oo markii danbe uu isaga baxay ayaa qaabka loo wado doorashada Jubba ku sheegay mid aan la aqbali karin oo sharci darro ah, isagoo caddeeyay xitaa haddii sidaas doorasho lagu qabto inuusan sharci noqoneyn qofkii ku soo baxa. Waxaa sii xoogeysaneysa aragtida ah in madaxweynaha Jubba ay qeyb ahaan u yeelato Beesha Af-madow degta, iyadoo ay jiraan beelo kale oo ka degmooyin badan beeshani.

Axmed Madoobe ayaa degamada Doolow u jooga si uu waanwaan ula galo siyaasiyiinta gobolka Gedo ee maamulkiisa ka horjeeda oo laf ahaantooda sharci darro ku tilmaamay doorashada la shaaciyay inay ka dhici doonto Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com