Daawo Sawirrada: Muungaab oo heshiis saxiixay xilli uu ku fashilmay howlahii Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya uu ku sugan yahay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” iyo Xubno ka tirsan Maamulkiisa, ayaa waxa ay halkaasi heshiis kula galeen Maamulka Magaalada Nairobi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab ayaa dhigiisa Magaalada Nairobi Mr Evans Kidero la saxiixday Heshiis dhigaaya wada shaqeyn dhanwaliba oo dhexmara labada Gobol, xili Maamulka Gobolka Banaadir ay dayaceen kaalintii kaga aadaneyd kobcinta iyo dib usoo celinta bilicda Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo warbaahinta la hadlay ka dib saxiixa heshiiska iskaashiga ah ayaa sheegay in labada magaalo ay kala saxiixdeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay yeelan doonaan xiriir wanaagsan,islamarkaana ay is dhaafsan doonaan khibradaha.

Mar uu la hadlaayay warbaahinta ayuu yiri “Waxaan yeelanay kulamo dhowr ah waxaana ka wada hadalnay howlaha ay qabtaan dowladaha hoose ee Muqdisho iyo Nairobi,waxana markii danbe soo saarnay heshiis is afgarad ah oo ku saabsan in ay xiriir wanaagsan yeeshaan maamulka labada magaalo oo leys dhaafsado khibradaha”

Heshiiska ayaa imaanaya xili Maamulka Gobolka Banaadir uu ku fashilmay kaalinta kaga aadan Gobolka, waxaana burbur hor leh ku imaaday bilicda Magaalada Muqdisho.
1

2

3