Sawirro: Aqri magacyada madax caan ah oo kasoo dhex muuqatay shirka Doolow iyo Axmed Madoobe oo si lama filaan ah…

Doolow (Caasimada Online) – Shirkan oo hal ku dhigiisi hore uu ahaa sidii leeskugu soo dhawayn Madaxda Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Gobolka Gedo, ayaa si lama fillaan ah loogu bedelay mid leeskugu soo dhaweynaayo Siyaasiyiinta Gobolka Gedo, ee ku kala aragtida duwan jiritaanka Maamulka Jubbaland.

Shirkan waxaa dhinaca Maamulka Jubbaland ku matalaayay Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland, General C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ay ku wehlinayen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland. Sidoo kale dhinaca Siyaasiyiinta diidan sharci ahaanshaha Jubbaland, waxaa hormuud u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, oo ay ku kaabayen Siyaasiyiinta kala ah Maxamuud Sayid Aadan, Cabdi Shire Warsame, Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax) iyo xubno kale.

Labada dhinac oo laba daraf kala fadhiyay, ayaa ka wada dooday waxyaabaha ay isku hayaan iyo sidii ay halmeel isugu wada imaan lahaayen, si ay u dhistaan Maamul Goboleed ay ku wada qanacsan yihiin.

Shirka oo lagu qabtay geed hoostii, ayaa qaatay muddo dhowr saacadood oo xiriir ah, iyadoo labada dhinacna ay eedeymo isugu jeediyen, kuna wada kaftameen, waxayna isku waafaqayn in la helo Maamul Gobolada Jubbooyinka & Gedo matali kara.

Siyaasiyiinta ka soo horjeedo Maamulka Jubbaland, ayaa soo jeedisay in dib loo dhigo Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, oo 15-ka bishan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Kismaayo. In awoodda si cadaalad ah loo wada qaybsado, sidoo kalana Maamulka laga soo qaybgeliyo Beelaha Deegaanka qaarkood, oo ku cabanaaya in laga qadiyay, oo ay dibadda ka jooggaan Maamulka.

Madaxweynaha Jubbaland, (Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo lagu waday inuu shirka ka qeyb galo ayaa si lama filaan ah uga baaqsaday, waxaana jirin qodobo ay labada dhinac isku waafaqsan yihiin oo shirka kasoo baxay, waxaase lagu wadaa in maalinta Jimcaha ah, ay markale wada kulmaan.

Ma cadda waxa uu Axmed Madoobe kaga qaybgeli waayay shirkii shalay, sidoo kalana lama garanaayo in shirka berrito uu ka qaybgeli doono iyo in kale. Laakiin ujeedkiisa uu u tagey Gobolka Gedo waa inuu hanto kalsoonida Siyaasiyiinta Gobolka Gedo.

doolow 1doolow 2doolow 3doolow 4doolow 5doolow 6doolow 7doolow 8doolow 9