Doorashada Puntland: C/W Gaas oo laga yaabo inuu maro waddadii Shariifka

Maalmo tirsan ayaa ka haray in ay ku dhacdo doorashada maamulka Puntland oo ay hadda gabogabo mareyso soo xulista 66-da xildhibaan ee soo dooran doona saddexda mas’uul ee Puntland ugu sarreeya; gudoomiyaha baarlamaanka, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Madaxweynaha.

Doorashadan si walba wey uga dawan tahay afartii ka horreeyey sababo dhawr ah; tirada musharixiinta, loolanka, qarashaadka ku bixi doona, faragalinta dowladda dhexe iyo dalalka shisheeye ee isku haya.

Marka la eego dhinaca faragalinta dowladda dhexe, iyadu waxa ay dagaal ba’an kula jirtaa qaar ka mid ah musharixiinta oo uu ugu horreeyo Cabdiweli Cali Gaas.

Gaas, oo maray dhabbihii kuwii ka horreeey waxa uu soo xulay gudiga xulaya xubnaha baarlamanka iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha, balse waxa uu dagaal kala kulmay Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo ka daba magacaabay gudi kale balse kuma guuleysan jiritaankiisa.

Hase ahaatee, Gaas waxaa soo food saaraya culeyso badan oo uga imaanaya dhinaca dowladda dhexe iyo tirada musharixiinta ee la loolamaya.

Hore Puntland ugama dhicin in ay musharixiintooda gaaraan 20, balse hadda waxa ay ku dhawyihiin 30, taas oo yareyneysa tirada xildhibaan ee ay ku tashan karaan Gaas iyo kuwo kale ee loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan xilkaas.

Gaas oo mara wadaddii Shariif Xassan kana hara tartanka

La yaab ma noqon doonto haddii uu Gaas isaga haro loolanka sababo jira awgood, sida; in aad looga nacay Puntland iyo culeyska dowladda dhexe oo lacago badan ku bixineysa ugu yaraan 15 musharaxa oo iyada matalaya.

Walow ay yar yihiin tirada musharixiinta la yaqaan ee taageerada ka haysta dowladda dhexe, hadana khuburada reer Puntland waxa ay qabaan in aysan ka yareyn 15 musharax.

Cabdiweli Gaas oo dareemaya culeyskaas ayaa laga yabaa in uusan kharash badan isaga bixin doorasho uu filayo in looga adkaado, oo uu isaga haro.

Sidan oo kale dowladda waxa ay meesha uga saartay Shariif Xassan, kaas oo is-casilay kaddib markii uu dareemay in uusan u babac dhigi doonin dhaqalaha dowladda ku bixineyso doorashadii uu ku soo baxay Lafta-gareen.

W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid