Xildhibaan Mahad Salaad: Fursad hala siiyo nabadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa markii ugu horeysay baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degmada Maxaas inay joojiyaan dagaalada  islamarkaana laga fakaraa qorshe kale oo horumar lagu gaari karo.

Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan  tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inay dadaalka ugu badan ku bixiyaan sidii dagaalada loo dhameyn lahaa.

“Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad ka hadlay xummaanka colaadda isaga oo yiri “Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya”.

Dagaalada ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sababay dhimashada 15 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu joojiyo xiisadda dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com