Doorashadii guddoomiyaha guddiga doorashada oo soo shaac bixisay laba arrin oo mid ay lama filaan aheyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii ka dhacay teendhada Afisyooni, ee shalay lagu doortay guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal, ayaa muujisay laba arrin oo mid ay aheyd lama filaan, midda kalena la qiyaasayey.

Arrinta koowaad ee doorashada kasoo shaac baxday ayaa aheyd sida ay u kala fog yihiin xubnaha mucaaradka ee sidii wadajirka ah uga soo horjeeday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrinta cajiibka aheyd ee ka soo baxay doorashada guddoomiyaha guddiga FIET ayaa ah in xubno ka tirsan Musharaxiinta ay hoos ka taageerayeen guddoomiyaha shalay la doortay ee Maxamed Xasan Cirro oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddigii doorashada ee la kala diray ka hor inta aan la kala saxiixan heshiikii 27-kii May, Cirro ayaa aad loogu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia.

Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsanaayeen doorashada oo aanay hal musharax isku wada raacsaneyn, marka laga reebo in Liibaam Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) si gaar ah loogu tirinayay Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Kooxda Waayo Arag.

Mushariinta ayaa xoogooda isugu geeyey sidii uu xilka guddoomiyaha ugu guuleysan lahaa Maxamed Cirro, maadaama ay u arkaan inuu isaga uga roon yahay Liibaan Shuluq oo ah shakhsi si weyn ugu ololeeya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Liibaan Shuluq ayaa sidoo kale la sheegay inuu garab weyn ka helayey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxayna midaan muujisay sida ay u yar tahay awoodda Rooble ee dhanka guddiyada doorashada dalka.

Arrinta labaad ee doorashada kasoo shaac-baxday ayaa aheyd awoodda dhaqaalaha ku yeesha doorashadii shalay iyo in dhaqaalaha mar kale noqon doono waxa ugu muhiimsan doorashada xildhibaanada iyo madaxweynaha.

Sida aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa xubnaha dooranayey guddoonka u qeybisay lacago aad u badan, si ay u soo saarto guddoomiye Cirro. Sidoo kalena qaar ka tirsan musharixiinta ayaa lacag ku bixinayey inaan la dooran Liibaan Shuluq.

Doorashada Guddoonka Guddiga FEIT oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha guddiga loogu doortay Maxamed Xasan Cirro, kaas oo wareedgii koowaad helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq) oo la tartamayay uu ka helay 10 cod.

Doorashadaan oo ahayd mid aad u xamaasad sareysay ayaa waxaa ku tartamay shan musharax, iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Maxamed Cirro iyo Liibaan Shuluq.

Guddiga ayaa ka kooban 25 mudane, waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah, iyagoo 24-ka kale ay hoolka xaadir ku ahaayeen, isla markaana ay wada codeeyeen.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu tiriyaa inuu si weyn ugu dhow yahay garabka Fahad iyo Farmaajo, inkastoo uu isaga dhowr jeer sheegay inuu si cadaalad ah uga shaqeyn doono doorashooyinka Soomaaliya.