Doorashadii ugu adkeyd oo maanta ka dhaceysa Turkey

Istanbul (Caasimada Online) – Dalka Turkiga ayaa maanta waxaa ka dhaceysa codbixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

Sanaadiiqda cod bixinta waxay furmi doonaan 08.00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17.00.

In ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin ee dalka.

60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay dalka ka codeeyaan.

Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax.

Waxa kale oo mamnuuc ah in la saadaaliyo ama laga faallooda natiijada doorashada ilaa laga gaarayo 18.00 .

Doorashadan ayaa ah midda ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, waxayna go’aan ka gaarayaan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay.

Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

ISHA BBC