“Dowlad goboledyada sida ugu qaraab doonan jireen dibedda ayaan Muqdisho ugu qaraab doonanay”

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiiru dowlaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Awoow Suufi, ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in xildhibaanada Koofur Galbeed ay dhaqaalo kasoo doonteen magaalada Muqdisho.

Abba Awoow, ayaa waxaa xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheikh Aadan ka hor inta uusan iscasilin, balse Abba ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista, isaga oo sheegay in madaxweyne waqtigiisa dhamaaday uusan xil ka qaadi karin.

Wareysi uu bixiyay Wasiiru dowlaha Dhalinyarada Koofur Galbeed ayuu ku sheegay inay magaalada Muqdisho usoo Qaraab doonteen, sidii maamul goboleedyada ay ugu qaraab doonan jireen dalalka Caalamka.

Ma uusan cadeyn cadadka dhaqaalaha la siiyay xildhibaanada Koofur Galbeed oo wali qaarkood ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, balse wuxuu cadeeyay in dhaqaalo ay kasoo doonteen magaalada Muqdisho.

Cadaadis uu dareemay Shariif Xasan ayaa sababay in iscasilaad uu ku dhawaaqo, waxaana xildhibaanada ugu badan ay yimaadeen magaalada Muqdisho si ay u sameeyaan olole ka dhan ahaa.

Doorashada Koofur Galbeed ayaa dib kaga dhaceysa waqtiga lagu balamay oo ah 17 bishaan, waxaana guddiga doorashada ay ku dari doonaan 10 maalin oo dheeri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com