Fiqi oo tallo uu u arkay muhiim siiyay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay safarada madaxweynaha Soomaaliya uu ku aado dalalka Deriska oo saaxiibo dhow ay yihiin.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Xogaha la xiriira socdaalka madaxweyne Farmaajo ee gobolka ay ka helaan ra’iisul wasaaraha Ethiopia, maadaama madaxweynaha uusan faahfaahin kulamada iyo natiijada kasoo  baxdo.

Wuxuu ka dalbaday madaxweyne Farmaajo uu xogaha Safarada uu aado la wadaago Shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada baarlamaanka.

“Socdaalada madaxweyne Farmaajo ee Xalaal Itoobiya waxaa lagama maarmaan ah in xogta iyo xaqiiqda ku saabsan safaradaas uu banaanka soo dhigo, jawaab lagu qanci karana uu dadkiisa ka siiyo shakiyada waaweyn ee ku hareeraysan socdaaladiisa muuqda ee shibta ku soo gabagabooba”

“Xalaal Itoobiya (sida wadaniyiinta 8-da Febraayo ay noo barayaan) hogaamiyahooda Abiy Ahmed wuxuu kulan walba gadaashiisa dadkiisa la wadaagaa goojooyin hadallo yaryar oo ku saabsan wixii lagu wada hadlayama meesha uu dalkiisa u wado, laakin madaxweynaheena shar iyo khayr wuxuu noo soo qaadayba weli waa la hullaaban yahay, macquulna maahan in Abiy Ahmed uu noqdo halka kulamada madaxweynaheenu uu ka qeybgalo xogtooada aan ka qaadanno”ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Haddii wadahadal ay wadamo galayaan waxaa xaq loogu leeyahay madaxweynaha in umadda uu madaxda u yahay uu la wadaago xogta iyo xaqiiqda, haddii shakhsiyaad sheekaysanaya oo fadhi ku diriraya ay yihiinna waa wax loo qaateen ah aamusnaantu”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com