Dowlada China oo maraakiib DAGAAL iyo ciidamo kala baxday biyaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa qeyb ka mid ah maraakiibteeda dagaalka iyo ciidamo kala baxday biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Ciidamadaas iyo marakiibtooda dagaalka ayaa 14-kii bishan dib ugu laabtay magaalada dekedda leh ee Zhoushan ee bariga gobolka Zhejiang.

Kooxda howlaha badda ee Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo (PLA) ayaa dhameysatay muddada loogu talagalay howl-galka, iyaga oo galbin jiray maraakiibta rayidka ah ee Shiinaha iyo kuwa kale ee ajaaniibta.

Sidoo kale kooxdan isaga baxday biyaha Soomaaliya ayaa ka koobneyd burburiye, hage gantaalaha Taiyuan, maraakiibta gantaalaha Jingzhou iyo markabka sahayda ee Chaohu.

Intii ay wadeen howl-galkooda waxay sidoo kale galbiyeen illaa 49 markab oo qaar ka mid ah Shiinaha uu leeyahay & kuwa kale oo ajaaniib ah.

Howl-galkan oo qaatay muddo 12 sano ah, laga soo bilaabo tan iyo bishii December ee 2008-dii ayaa waxaa maraakiibta qeybta ka ahaa ee ciidamada Shiinaha u safreen in ka badan 100,000 oo mile, intii lagu jiray safarkoodii 170-ka maalmood, iyaga oo aan gaarin deked ay ku nastaan.

Tani ayaa sidoo kale taariikh cusub u sameysay markabka PLA Navy markasta oo howl-galka uu ka socdo badda, gaar ahaan Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Shiinaha oo ka mid ah dalalka taageero Soomaaliya ayaa door weyn ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda oo hadda muuqda in awood ahaan la wiiqay.