Puntland oo toogasho ku fulisay nin si arxan darro ah u dilay hooyadiis

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo lagu eedeeyey inuu horey si arxan darro ah ugu dilay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray, Xaawo Jaamac Cabdulle.

Toogashada ayaa ka dhacday bartamaha Garoowe, waxaana goobta ku sugnaa ehellada marxuumadda, saraakiil ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka Puntland.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Caagane lagu helay dambiga dilka ah ee lagu soo eedeeyey, islamarkaana lagu xukumay dil, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Dhacdada dilka ah ee uu hooyadiis u geystay, Faarax Cabdi Caagane ayaa saddex bil ka hor ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Jalam oo ka tirsan gobolka Nuugaal.

Ciidamada ammaanka ayaa falkaasi argagaxa leh, kadib gacanta ku soo dhigay eedeysanaha oo la horgeeyey maxkamadda, si cadaaladda loo marsiiyo, iyada oo ugu dambeyn maanta la geeyey tiirka, islamarkaana la toogtay, kadib xukunkii lagu riday.

Dadka deegaanka iyo ehelllada AUN marxuumad Xaawo Jaamac Cabdulle ayaa soo dhoweeyey go’aanka maxkamadda iyo toogashada lagu fuliyey eedeysanaha oo si arxan darro ah u dilay hooyadiis, falkaas oo argagax iyo la yaab ku noqday dad badan.