Dowladda madaxweyne Farmaajo oo ay ku loolamayaan laba koox

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu buuxiyo kuraasta faaruqa ah ee Dowladiisa.

Madaxweynaha ayaa Villa Somalia uga yeeray mas’uuliyiin dhowr ah oo horay ay usoo wada shaqeeyeen kuwaa oo waayadii danbe ku noolaa dalka dibadiisa.

Ujeedka uu shaqsiyaadkaasi ugu yeeray Farmaajo ayaa la sheegay inay tahay kamid noqoshada Dowlada cusub oo iminka ay ka banaanyihiin kuraas aad u farabadan.

Farmaajo ayaa doonaaya in kuraasta faaruqa ah uu ku buuxiyo shaqsiyaad aqoon durugsan u leh Siyaasada kuwaa oo aqoon fiican uu kala dhexeeyo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa doonaaya in Kooxda labaad ee buuxin doonta kuraasta ay noqdaan Siyaasiyiin gaara oo uu wato Xasan Sheekh.

Dowlada Farmaajo ayaa ilaa iyo hadda waxaa ku jira Siyaasiyiin ku dhow dhow Xasan Sheekh kuwaa oo dhawaan loo magacaabay xilal muhiim ah.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa kamid ah shaqsiyaadka uu Xasan Sheekh ku dhex leeyahay Dowlada cusub, kaa oo sahlay in Xasan Sheekh uu xubno farabadan ku dhexyeesho Dowlada Farmaajo.

Dadka qaar ayaa is weydiinaaya waxa ay ku kala duwan yihiin Dowlada cusub iyo Dowladii hore ee uu hogaaminaayay Xasan Sheekh, waxa ayna shaki lixaad leh galinayaan in Dowlada cusub ay ka gudbi doonto caqabado lamid ah kuwii heysan jiray Dowlada Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, dadka ku xeel-dheer Siyaasada ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay in Dowladiisa ay wax xil ah ka qabtaan shaqsiyaadkii kusoo fashilmay xilalkii ay ka hayeen Dowladii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com