Falanqeyn: Sidee Gabadha 7 sano jirka ah Cadaado loogu gowracay yaase ka dambeeyay

Cadaado (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaabka loo dilay gabar aad u yar oo lagu gowracay deegaan ku yaala duleedka magaalada Cadaado.

Gabadha la gowracay oo sanad ahaan jirtay 7 sano ayaa meydkeeda laga helay magaalada Cadaado, waxaana arintaasi ay amakaag ku reebtay shacabka magaalada.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay inay baaritaan dheer sameeyeen ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska ee maamulkooda,

Waxaana baaritaankaasi lagu soo qabtay labo ruux oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falka lagu gowracay gabadha yar, sida madaxda ay sheegeen.

Cumar Xuseen Muumin, taliyaha saldhiga magaalada Cadaado ayaa sheegay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ciidamada ay kusoo qabteen labada ruux ee arintaasi looga shakisan yahay.

Tuhunka ugu badan ayaa la saaray haweeney ay caruurteeda la ciyaari jirtay gabadha la gowracay, waxaana loo malaynayaa inay falkaasi ka dambeysay.

Gabadha Yar ayaa markii ciddeeda ugu wardambeysay waxay aheyd saacado uun ka hor inta aan meydkeeda la helin, waxaana kadib laga war helay iyaga oo gowracay.

Haweneyda falka lagu tuhmayo ayaan la ogeyn sababta ku qasabtay inay arintaasi sameyso, balse laamaha amaanka ayaa baaritaano wado.

Taliyaha saldhiga magaalada Cadaado waxaa uu sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan dadkaasi, islamarkaana ay baaritaan dheer ay ku sameyn doonaan sababta keenay dilka gabadhaasi yar ee todobo sano jirka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com