Dowlada Kenya oo dooneysa in xayiraad la saaro RAILA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa doonaysa in dalalka Galbeedka ay cadaadis saaraan hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, oo ay ka mamnuucaan safarrada waddamadooda, sida ay ku tebiyeen qaar kamid ah warbaahinta.

Maamulka Ruto ayaa ku eedeeyay Raila Odinga inuu ku hawlan yahay falal dhibaato ku ah dalka Kenya, isla markaana loo baahan yahay in la xakameeyo.

Raila ayaa ku baaqay dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Ruto, taasoo uu u arko mid si sharci darro ah kula wareegtay xukunka.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay qaaday tallaabooyin lagu sumcad dilayo hogaamiyaha mucaaradka, oo mar ahaa ra’iisal wasaaraha dalka.

Todobaadkii hore, Raila ayaa laga qaaday xilka wakiilka horumarinta kaabayaasha oo uu Midowga Afrika ka hayay tan iyo October 2018.

Qaar kamid ah taageerayaashiisa ayaa u arka tallabadaas mid uu ku lug lahaa Madaxweyne William Ruto oo ay Raila si adag ugu loolameen doorashadii dhacday August 2022.

Qaar kamid xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in dowladda ay damacsan tahay tallaabooyin dheeraad ah oo cadaadis lagu saarayo Raila.

Madaxweyne Ruto ayaa ilaa haatan qaaday tallaabooyin uu ku cadaadinayo hogaamiyaha mucaaradka, waxaana kamid ah inuu soo dhaweysto siyaasiyiinta taabacsan iyo inuu xilal muhiim ah u magacaabo dadka dhaliilsan Raila ee ka soo jeeda gobollada uu taageerado ka haysto.

Falcelinta Raila

Raila Odinga oo maanta la hadlayay taageerayaal isugu soo baxay magaalada Kitale ayaa sheegay in aanu walwal ka qabin qorshayayaasha ay la damacsan tahay xukuumadda Ruto.

Waxa uu tilmaamay in tallaabada la sheegay in xukuumadda ay doonayso in looga joojiyo safarrada waddamada Galbeedka ay tahay mid fulaynimo ah.

“Waan ixtiraam u haynaa waddamada aan saaxiibka nahay. Waxaa naga dhexeeya xiriir wanaagsan, hase yeeshee waa in ay ogaadaan in arrimaha gudaha ee dalkeena aan inagu uun go’aankooda leenahay,” ayuu yiri Raila.

Waxa uu intaa raaciyay in aanu joojin doonin hawlaha uu wado ilaa inta laga saxayo khaladkii dhacay, oo uu ula jeedo in la shaaciyo inuu ku guulaystay doorashadii August 2022.

Natiijadii la shaaciyay xilligaas ayaa Ruto waxa uu Raila kaga adkaaday codad ka yar 240,000.

Raila oo markii shanaad looga adkaaday doorasho uu u tartamay ayaa haatan da’diisu tahay 78 jir.

Dibedbaxyo iyo curyaamin uu kula kacay dowladdii uu hogaaminayay Uhuru Kenyatta, kadib doorashadii dhacday 2017, ayaa waxa bishii March 2018 uu heshiis dhexmaray labada nin, taasoo horseeday xasillooni siyaasadeed.

Ruto ayaa horay u sheegay in aanu diyaar u ahayn inuu Raila la galo heshiis siyaasadeed oo la mid ah kii 2018, isla markaana uu xoogga saarayo hagaajinta dhaqaalaha Kenya.

Siyaasiyiinta Afrikaanka ah ayaa intooda badan hanti ku leh dalalka Glabeedka, halka qaar kalena ay daryeel caafimaad u doontaan, waana sababaha aanay uga maarmi karin safarrada dibedda.

Isha: BBC