Dowlada Somalia oo shaacisay waxa ay ka yeeleyso heshiisyada shidaal sahmin ee Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Somalia, wax qorshe ah kama lahan inay sharci darreyso heshiisyada shidaal sahmin ee dhowaanahan maamulo ka mid ah dalka ay saxiixeen, ayada oo ka doorbideysa kuwii la saxiixay wixii ka hreeyay 1991-kii, sarkaal sare ayaa maanta sidaas sheegay.

Waxaa dhowaanahan jiray walaacy ay qabaan maal geliyayaasha oo ku saabsanaa in heshiisyda Puntland iyo Somaliland ay la galeen shirkado shisheeye ay saameyn ku yeelan doonto dowladd cusub ee jamhuuriyadda federaalka ah.

Abdullahi Dool oo ah wasiir ku xigeenka tamarta Somalia ayaa sheegay inay tahay arrin aad deg deg u ah in go’aan laga gaaro sida loola macaamilayo shatiyada shidaal baaris ee shirkado badan lagu siiyay inay dalka shidaal ka sahmiyaan.

Dool ayaa sheegay in Somalia aysan ixtiraami doonin kaliya heshiisyadii wixii ka horeeyay 1991-kii lala saxiixday shirkadaha Royal Dutch Shell, Bp iyo Chevron, balse ay sidoo kale qadarin doonto kuwa dhowaan la saxiixay.

Dool ayaa cambaareeyay hadal dhowaan uu baahiyay Cabdullahi Xeydar oo la taliye u ah wasaaradda tamarta Somalia, oo ku saabsanaa in kaliya heshiisyadii la saxiixay wixii ka horeeyay 1991-kii ay sharci yihiin.

“Ma garan karo sababta Mr. Xeydar uu u abuuray buuqan…..Dowladda ayaa sameysay siyaasadda ee la taliyayaashu ma sameeyaan” ayuu yiri Dool.

Dool ayaa dhinaca kale sheegay in haddii ay jiraan shatiyo isku hor imaanaya oo dhowr shirkad lala galay, la xalin doono marka gole wasiiro cusub ay dalka yimaadaan ka hor 6-da November.

Dhinaca kale Keith Hill oo ah madaxa shirkadaha African Oil iyo Horn Petroleum, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in heshiisyada ay la galeen Puntland ay sharci sii ahaan doonaan, dowladda cusubna ay ogolaan doonto.