Dowladaha Mareykanka iyo UK oo digniin culus kasoo saaray doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge oo wareysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashada ka socoto dalka.

Safiirada UK iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ayaa sheegay in doorasho lagu shubto, oo aan xalaal aheyn ay ka dhalan karto qalalaaso, iyaga oo ku baaqay iney dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah si looga fogaado dagaal dib uga qarxo Soomaaliya.

Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster oo ka jawaabeysay su’aal aheyd “miyaaney aheyn halkii doorasho ha dhacdo uun la dhihi lahaa in laga hadlo qabashada doorasho lagu kalsoonyahay si looga fogaado qalalaaso” ayaa tilmaamtay in loo baahan yahay in la qabto doorasho xalaal ah isla markaasna ay beesha Caalamka dhowr jeer ku celisay arrintaan.

“Haa, waa sax, waxaan rabnaa doorasho xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo oo si nabad ah ku dhacdo, labadaasina way wada socdaan, haddii aadan laheyn doorasho xalaal ah, waxaa hubaal ah iney qalalaaso ka dhalaneyso…ma dooneyno inaan aragno qalalaasihii dhacay horraantii sanadkan iyo barakicii kumanaanka ahaa oo ahaa wixii ka dhashay, beesha caalamka waxaay ka hadleen sida ay muhiim u tahay in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoon yahay” ayey tiri Kate Foster.

Dhankeeda, Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge ayaa ugu baaqday saamileyda siyaasadda inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qalalaaso.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan in laga fogaado wax qalalaaso ah, ma jirto cid dooneysa iney aragto bilowgii sanadkan, sida ay safiir Kate sheegtay doorashada xalaasha ah waxay barbarsocotaa ka fogaanshihaya qalalaaso, waana sii wadeynaa inaan arriknaas xoojino” ayey tiri.

Labada safiir ayaa ka digay in doorashada lagu shubto taasina ay ka dhalan kato qalalaaso badan, oo keenta dagaal iyo barakac.

Hadalka kasoo yeeray labada safiir ayaa kusoo aadayo xilli doorashada ka socoto Soomaaliya ay ka jirto cabashooyin badan oo ku saabsan in la boobay kuraas isla markaasna  aysan doorashada u socon hab lagu kalsoonaan karo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii