Brussels (Caasimada online) Dowlada Belgium-ka ayaa Maanta oo Arboco ah waxay Maxkamad Soo taageysa Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo hore uga Tirsanaa Burcada Badaha Somaliya iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey.
Afweyne, ayaa loo heystaa Abaabulka iyo Maxkaxda Afduubka Markab laga lahaa Dalka Belgium-ka Sanadkii 2009-kii , inkastoo waayihii Dambe Afweyne uu ahaa ruux Ganacsade ah.
Dowladda Belgium ayaa dabin udhigtay labadan Ruux kadib markii laga soo dhaadhiciyay Fikir ah inay Sameynta Filim ka hadlay qaabka Afduubka Burcad badeeda Soomaalida, kadibna markii ay dalkaasi tageen xabsiga loo dhaadhiciyay.
Safiirka Midowga Yurub ufadhiya Dowladda Soomaaliya Dr Cali Fiqi ayaa hore usheegay in maanta labadaan ruux maxkamada lasoo taagayaa, iyadoo ay jiraan qareeno udoodaya.
Qaar kamid ah ehelada labada ruux ayaa ku sugan dalka Belgium-ka iyaga oo si dhaw ula socda xaaladaha Afweyne iyo Tiiceey, oo Dowladda Belgium-ka uxiran.
Afweyne ayaa si cad u sheegay inuu ka tanaasulay falalka burcadnimada ah inkastoo dowlada Belgium-ka ay ku dacwooneyso inuu hanti badan ka sameeyay Falkaan .
Dowlada Somalia oo ka hadashay dhowaan Xariga Afweyne waxay ku sheegtay nay ka xuntahay uuna garab xoogan ku siinayay sidii dhalinyarada looga wacyi galin lahaa arimaha Burcad Badeednimada ah.
Caasimada online
Xafiiska Brussels

