Ku dhawaad 40 askarta dowlada Uganda oo ay ku jiraan guuto ciidamo ah ayaa dib looga yeeray dalkooda, waxaana lagu xeray dalkaasi, kadib markii la sheegay inay xatooyo ku sameeyeen howgalka Somalia, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada meletariga Uganda Col. Paddy Ankunda, maalintii shalay.
Qaar ka mid ah askarta la xeray ayaa ku eedeysan xatooyo ku aadan hubka iyagoo ku iibiyay suuqa madow, halka kuwa kale la sheegay inay ku eedeysan yihiin iibsiga shidaalka gaadiidka, iyagoo qiyaamau nolosha askar badan oo howlgalka ku jirta.
“Waxaan u eegnay eedeymahaasi si taxadar leh, iyadoo qaar saraakiil ah askarba ay ku lug lahaayeen iibinta cuntada iyo shidaalka iyo qalabka howlgalka, ma u ogolaan doono cadowga noocaasi ah inay jibiyaan howlgalka midowga Africa”ayuu yiri Ankunda.
Dowlada Uganda ayaa ku deeqday ciidanka ugu badan 17 kuna ee askari eek u sugan Soomaaliya, waxaana sida uu sheegay qaar kamid ah saraakiishaasi la saari doono maxkamad maalmaha soo socda, sida ankunda laga soo xigtay.
Kulankii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Uganda uu la yeeshay qaar kamid ah askartiisa ayuu ku helay xog ku aadan in saraakiisha qaar ay iibsadaan hubka iyo agabka kale ee howlgalka, waxaana laga soo xigtay wargeysta Daily Monitor in madaxweynaha xiligaasi uu ku baraarugay waxa ciidamada Uganda ay kala kulmaan howlhalka AMISOM.
Afhayeenka ciidamada meletariga ayaa xaqiijiyay in qaar kamid ah askarta dowlada oo dib ugu laabtay dalka Uganda iyo saraakiishoodaba lagu eedeynayo dambiyada lana xeray 40 kamid ah ciidamadaasi.
Caasimada
Xafiiska Kampala

