Dowladda Ethiopia oo soo saartay war + militariga oo ku hareereysan Cabdi Iley

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa sheegaysa in ciidamada militarigu ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso nabadgelyada gobolka Soomaalida ee kuyaal Bariga dalkaas. Kadib markii iskudhacyo qawmiyadeed ay galaafteen nolosha ugu yaraan 10 qof.

Qawmiyadda Soomaalida ayaa weerartay dadka ka yimid qaybaha kale ee dalka waxayna bililiqaysteen dukaamo kadib markii ciidamada xukuumadda militariga dalkaas lasoo dhoobay magaalada Jigjiga.

Xukuumadda Itoobiya ayaa isku dayaysay in si aan sharci ahayn ay awoodda ugala wareegto masuuliyiinta deegaanka gobolka Soomaalida.

Balse daadguraynta ciidamada ee Jigjiga ayaa dhalisay jawaab caro ku dheehan tahay – ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay markii la weeraray dadka aan kasoo jeedin qawmiyadda Soomaalida.

Kaniisad ayaa dab la qabadsiiyey dukaamana waa la bililiqaystay.

Loollanka awoodeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo maamulka gobolka Soomaalida ayaa khatar ku ah in uu wiiqo barnaamijka isbadallada ee Raisul Wasaraha cusub Abiy Ahmed uu wado.

Dadka wax falanqeeya qaarkood ayaa sheegaya in xiisadda ay sii kicinayaan canaasiir mucaarad ah oo si xooggan uga soo horjeeda siyaasaddiisa.

Addis Standard: Militariga Itoobiya oo ku hareereysan madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar

Sida uu qoray wargayska ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Addis Standard, ciidamada militariga Itoobiya ayaa ku hareereysan maadxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wargayska ayaa qoray in ay ciidamada labadii saac ee ugu dambeeyay ay ku harrereysnaayeen madaxtooyada magaalada Jigjiga.

Wargayska oo soo xiganaya ila wareedyo ayaa sheegaya in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay gacanta ku dhigi doonaan ciidamada.

Wargayska ayaa sheegay in arrintasi loo samayn doono ”si looga hortago dhiig kale oo ku daata gobolka”