Wasiir xigeenka arrimaha dibedda oo la sii daayay isagoo aqbalay in 24 saac…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay damanad kusii deysay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Da’uud oo maanta loo jaray warqad xarig ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir ku-xigeenka lagu sii daayay damaanad isla markaana uu ogolaaday in 24-saac gudahood uu ku hortago Maxkamad si dacwadiisa loo qaado.

Wasiirka oo caawa u hoyan doono hooygiisa ayaa waxaa maalinimada bari laga sugayaa Maxkamada, iyadoo inta laga gaarayo wakhtiga maxkamada uu magaalada kusii joogi doono damaanada mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada.

Wasiir ku-xigeenka ayaa saacado un ka hor diiday in la horgeeyo Maxkamada, hase yeeshee waxa uu iminka aqbalay in 24 saac fursad loo siiyo si uu u hortago Maxkamada amartay xarigiisa.

Dowlada Somalia gaar ahaan Xafiisyada Xeer ilaalinta iyo Hanti dhowrka ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka aanu la cafin doonin isla markaana kasoo hormuuqan doono Maxkamada.

Dacwooyinka lagu eedeeyay Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah inuu ka danbeeyay xadgudub la sheegay in lagu sameeyay Xafiiska Wasiirka oo la rumeysan yahay in la jabsaday isla markaana lagala baxay Dukumiintiyo.

In kastoo Wararku ay sheegayaan in 24 Saac gudahood uu Wasiir ku xigeenku ku hortagayo Maxkamada ayaanan weli wax go’aan ah laga gaari Karin halka ay xaaladu ku dambeyn doonto.

Waxaana sidaan oo kale dhawaan loo xirey Agaasimiha waaxda dib u dejinta barakacayaasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka ay dowlada Somalia ku maxkamadeyneyso mas’uuliyiinta musuqa iyo xadgudubka kula kaca hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com