Dowladda Imaaraadka oo xil weyn u magacawday Cumar Cabdirashiid

Abu Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta oo faragelin weyn ku heyso Soomaaliya ayaa bilowday inay xilal u magacawdo shaqsiyaad ka tirsanaan jiray dowladihi soo maray Soomaaliya.

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo lagu tiriyo inuu yahay shaqsi si weyn uga qeyb qaatay boobkii ay Imaaraadka kula dhaqaaqday Soomaaliya ayaa loo magaaabay xil muhiim ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa loo magacaabay la taliyaha dowladda Imaaraadka Carabtay ee Geeska Africa maadaama ay wado Imaaraadka ololo weyn oo ay ku dooneyso inay boobto dhulal ka tirsan qaaradda masaakiinta ah ee Africa.

Cumar Cabdirashiid ayaa qeyb libaax leh ka lahaa heshiiskii ay dowladda Imaaraadka Carabta ku qaadatay Dakadda Berbera iyo garoonka diyaaradaha, wuxuuna heshiiskaas ku qaatay Malaayiin dollar, waxayna arrintaas keentay inay dowladda Imaaraadka aaminto Cumar loona magacaabo xilkaan aadka muhiimka u ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa saaxiib dhaw la lahaa Imaaraadka intii uu dalka ka ahaa Ra’isulwasaare, wuxuuna u fududeeyey qorshooyin badan oo qaarkood ay halis ku yihiin jiritaanka Soomaaliya.

Inkastoo aan weli xilkaas si rasmi ah saxaafadda loogu soo bandhigin haddana Caasimadda Online ayaa arrintaan si hoose u ogaatay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com