Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay arrinta ugu muhiimsan ee looga hadli doono shirka London

London (Caasimadda Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay waxyaabaha looga hadli doono shirka dhawaan Soomaaliya uga furmo doono Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa marka hore lagu sheegay inay soo dhweeneyso  heshiiskii dhawaan ay gaareen madaxda DF iyo hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada wadajir uga shaqeynayaan si cad qorshaha ammaanka qaran, iyadoo ingiriiska u aragto heshiiskaas inuu yahay mid muhiim u ah dowladda Soomaaliya.

Waxay dowladda Ingiriiska sheegtay inay door muhiim ah ka qaadanayso taageerada caalamiga ah ee amni ku soo celinta Soomaaliya, iyadoo dhaqaalahan cusub ee taageerada uu yahay mid kale oo dheeraad ku ah gagaarka uu hadda bixiso dawlada UK ee ay ka mid tahay tababarka ay ciidamadda British-ka siiyaan ciidamadda qaranka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika, tababarida Booliiska iyo hawlaha xasilinta iyo waliba ka hortaga ficiladda xagjirnnimadda, waxayna ka dhawaajisay inay dhammaan tallaabooyinkaan u sameeneyso sidii horumar loo gaarsiin lahaa dalka Soomaaliya sida ay hadalka u dhigtay.

Dowladda Ingiriiska oo ka hadleysay waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadli doono shirka London ayey ka dhawaajisay in  Amaanka uu noqon doonaa mowduuca ugu muhiimsan shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo 11-ka May, kaas oo isku keenaya dawlada cusub ee Federaalka ah, maamulada xubnaha ka ah dawladda Federaalka, iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya si loo dardargaliyo horumarinta la iskuguna raaco iskaashi heer caalami ah oo baahidiisu tahay in Soomaaliya ay qaado dhabbaha ku jihaysan nabad buuxda iyo barwaaqo sanadka 2020 oo la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Waxay sidoo kale carabka ku dhuftaya inay Soomaaliya usii baahnaan doonto gacan qabasho la taaban karo dhanka amaanka, horumarinta dhaqaalaha, isbadal Siyaasadeed  si loo hubiyo inay Soomaaliya gaarto Horumar.

Sidoo kale waxay sheegtay in shirka lagu soo bandhigi doono abaaraha sida ba’an ugu dhuftay inta badan Soomaaliya waxayna ku nuux nuuxsatay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay heysan cunto la isku haleyn karo, waxaana la rajeenayaa in shirka beesha caalamka loogu soo bandhigo duruudaha adag ee ka jiro Soomaaliya.