Dowladda oo ciidamo kale gaysay Baydhabo xilli kuwi hore lagu muransan yahay

Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya ayaa saaka mar kale la geeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed oo maalintii shalay aheyd ciidan dowladda ay gaysay.

Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya ayaa Diyaarad looga qaaday Garoonka Aadan Cadde, waxaana goor dhaweyd ay ka dagtay Magaalada Baydhabo.

Ciidankaan oo Boolis ah ayaa loogu talo galay suggida ammaanka Magaalada Baydhabo, halkaasi oo la filaayo maalinta Arbacada ah inay ka qabsoonto doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Ciidamadan ayaa daba socda ciidankii shalay la geeyay Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo la dajiyay goobo ka mid ah Magaalada oo amnigeeda ay ka sugayaan.

Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliya ayaa xaqiijiyay ciidanka la geeyay Magaalada Baydhabo saaka inay yihiin kuwa Booliska ee Muqdisho laga qaaday.

Hadal hayn badan ayaa ka taagan ciidankaan dowladda ay ku daabuleyso magaalada Baydhabo, inkastoo Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay ciidamadaasi inay dalbadeen Maamulkooda ayna u baahan yihiin ciidan ammaanka sugidiisa kala qayb qaata Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com