Dowladda oo ka hadashay kaalmada la sheegay inuu Imaaraadka ka joojiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa “dacaayad” ku tilmaamtay warar sheegaya in uu hakad ku yimid mushaarka qaar ka mid ah ciidamada dawladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Soomaaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray.

Warbaahinta qaar ayaa qortay in xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya uu hoos u dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay heshiish difaac la gashay waddanka Turkiga oo ciidamo u tababaraayay Soomaaliya muddo sannado ah.

Hase yeeshee, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa beeniyey wararkaas. Inkasta oo uu wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in dawladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay, hadana waxa uu sheegay “in ciidamadu xuquuqdoodii ay helaan”.

Heshiiskaan Turkiga uu la galay Soomaaliya ayaa dhigaya in 10 sanno uu Turkigu ilaalin doono xeebaha Soomaaliya, ciidamo badeedna u dhisi doono Soomaaliya. Heshiiskaas oo ka koobnaa mid dhaqaale iyo difaaca ayaa sidoo kale waxa ay Soomaaliya ay heshiiska dhanka ka faa’iideysiga kheyraadka badda la saxiixatay dawladda Turkiga.

Soomaaliya waxay heshiishyo difaac la gashay, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Uganda. Balse waxaa wadamada badani loolan ugu jiraan shidaalka Soomaaliya oo ay dawladdu sheegtay in la soo saari doono dabayaaqada sanadkaan 2024 ta, markii ugu horeysay.

Dhanka kale dawladda ayaa beenisay in dhaqaale xumo ku dhacday darteed ay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Galmudug isaga soo baxeen saldhigyadoodii.

Qaar ka mid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagihii ay heli jireen qayb laga jaray, balse inteeda badan ay helaan oo u soo dhacdo.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in aysan jirin ciidan laga jaray mushaar.

“Hal askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed oo aan mushaarkii loogu talo galay qaadanin ma jiro, dhammaan ciidamadu mushaarkoodeey qaateen – wax iska beddelayna ma jiro” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf.

Ciidamada kasoo baxay furimaha oo ay ku jiraan kuwa Macawiisleyda oo ka garab dagaalama ciidamada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay dayac ku muteen furimaha dagaalka, ayna jirin cid dhiirigelisa, sidaas darteedna ay qasab noqotay in ay banneeyaan dhulkii ay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah al Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka u dhuun daloola arrimaha ciidamada ay muddo sheegayeen in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

Camaara iyo Bacaadweyn oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda isaga baxeen ayaa dib waxaa u qabsaday ururka Alshabaab, sida ay baahiyeen kooxdu.

Ururka al Shabaab ayaa mid ka mid ah weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha, waxa ay ku qaadeen ilaa todobo saldhig oo ciidamada dawladda iyo kuwa macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.

Isha: BBC