Dowladda oo shaacisay deegaano muhiim ah oo lagala wareegay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaay ayaa maanta kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka wasaarada gaadhaandhiga Janaral Caanood oo howl-galadaas uga waramay Radio Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen labo dhufeys oo waaweyn oo argagixisada ku laheyd deegaanada laga wareegay.

“Howl-galkaas oo ka dhacay Xabaal-Xuseen iyo Gurac-dheere oo aheyd labo dhufeys oo waaweyn oo cadowgu ugu tala-galay in Aadan Yabaal looga imaan dhanka, waa labo deegaan oo muhim ah oo ayagu haysteen, waxay u jireen magaalada Aadan Yabaal 18-20KM,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galka argagixisada looga saaray deegaanadaas muhiimka ah ay ku dhaawacmeen labo askari oo kaliya, islamarkaana ay ciidamadu si buuxda gacanta ugu hayaan deeganadaas.

Afhayeenka marnaba ma sheegin khasaaraha Al-Shabaab kasoo gaaray howl-galkaas lagala wareegay deegaanada hoos yimaada Aadan Yabaal.

“Laba Askari ayaa xagayaga ku dhaawacantay, laakiin iyaga wixii khasaare ah weli nalooma soo sheegin oo dib ayaa kasoo sheegi doona.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galada ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ciidamada uga daba-tagi doonaan deegaanada kale ee ay u firxadeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.