Imran Khan oo maanta lagu dhaawacay weerar toogasho

Islamar (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga dhaawacay lugta maanta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa.

“Nin watay qori darandoori u dhaca ayaa rasaas furay, dhowr qof ayaa dhaawacmay. Imran Khan sidoo kale wuu dhaawacmay,” ayuu Asad Umar u sheegay Reuters. Khan ayaa la dhigay isbitaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Wazirabad, oo qiyaastii 200 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Islamabad.

Khan ayaa xabadda waxay kaga dhaacday kal-dheerta lugta, sida uu sheegay Fawad Chaudhry oo ah afhayeenka xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan.

“Imran Khan iyo saaxiibkiis xisbiga Faisal Javed ayaa ku dhaawacmay rasaas. Khan waxay xabadda kaga dhacday kal-dheerta, waxaana labadooda loo qaaday isbitaalka,” ayuu Chaudry u sheegay Reuters.

Javad oo dhiig uu ka buuxay dharkiisa ayaa isaga oo isbitaalka ku jira u sheegay taleefishinka Geo “qaar badan oo ka mid ah saaxiibadeena ayaa dhaawacmay. Waxaan maqlanay in mid ka mid ah uu dhintay.”

Nin lagu tuhmayo weerarka ayaa la toogtay sida uu sheegay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Khan.

“Sidoo kale nin labaad ayaa xabsi boolis la dhigay,” ayuu Raoof Hassan oo kaaliye sare u ah Khan u sheegay AFP, isaga oo intaas ku daray inaysan weli kala caddeyn qofka toogtay ninka weerarka soo qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa cambaareeyey toogashada, wuxuuna amray wasiirka arrimaha dibedda inuu ku sameeyo baaritaan deg deg ah.

Khan, oo 70 jir ah, ayaa hoggaaminayey dibadbax lagu tagayey magaalada caasimadda ah ee Islamabad oo lagu dalbanayo doorashado waqtigeeda kasoo hormarta.

Tan iyo markii xukunka looga tuuray cod baarlamaan bishii April, Khan ayaa dibadbaxyo ku qabanayey Pakistan, isaga oo mucaarado xooggan ku kiciyey dowladda oo la halgameysa inay dalka ka saarto xasaradda dhaqaale ee ay ka tagtay dowladdii Khan.

Khan ayaa kolonyada uu la socday waxaa qorshuhu ahaa inay tartiib uga soo baxdo waddada Grand Trunk Road una jiheysato Islamabad, ayada oo taageerayaal badan ay kasii raacayaan waddada.

“Waxaan doonayaa inaad dhammaantiin ka qeyb qaadataan. Tani ma ahan arrin siyaasadeed ama mid shaqsi, ama in la rido dowladda. Tani waa in waddankeena lagu soo dabbaalaa xorriyad la taaban karo,” ayuu yiri Khan kahor dibadbaxa.

REUTERS, AFP, VOA